Daacish oo dhegta dhiiga u daray Suxufi u dhashay dalka Japan

Bbc-(Berberanews)-Waxaa Internetka la soo galiyay muuqaal video ah oo u muujinaya ururka Daacish oo qoorta ka jaraya weriye u dhashay dalka Japan oo lagu magacaabo Kenji Goto.

Muuqaalkani waxa uu imaanaya waxkayar todobaad markii la baahiyay muuqaal isagana kurka lagaga jarayo Haruna Yukawa oo arrintaas oo Daacish ay sheegteen.150131222944_kenji_goto_512x288_getty_nocredit

Wariye Goto, oo 47 jir ah waxa uu ahaa saxafi caan ah, waxaana bishii October laga afduubtay gudaha dalka Suuriya.

Dowladda Japan waxa ay isku dayaysay in lasii daayo.

Dilkaasi waxaa cambaareeyay wadanka Japan, Maraykanka iyo Uk.