Haweenay Si Foolxun loogu dilay Magaalada Muqdisho

Muqdisho-(Berberanews)-Haweeney, ayaa waxaa maanta lagu dilay xaafada Suuqa Xoolaha ee Degmada Heliwaa, ee Waqooyi Bari Magaalada Muqdisho.

Saddex nin oo bistoolado watay, ayaa waxay haweeneydaasi ku dhex dileen goob quddaarka lagu iibiyo oo ku taala xaafada Suuqa Xooalaha, xilli ay ku mashquulsaneyd adeeg ay halkaasi ka iibsaneysay.

Raggaasi, ayaa haweeneyda waxay ku dhufteen ilaa sideed xabadood oo ay kaga dhufteen qaybaha sare ee jirkeeda, waxayna taasi soo dedejisay inay ku geeriyooto halkaasi.

Dilka ka dib waxay ka carareen oo ay ka baxsadeen goobtii ay ku dileen, iyadoo kolkii dambe ay gaareen Ciidamada Booliska iyo Nabad Suggida, ee ka hawlgala Degmada Heliwaa.bastolad

Booliska iyo Nabad Suggida, ayaa dilka haweeneydaasi u soo qab qabtay tiro rag ah oo ka ag-dhawaa halkii lagu dilay, laakiin waxaa la rumeysan yihiin in dembiile-yaashii dilka geystay ay baxsadeen.

Nin ka tirsan dadka deegaanka, ayaa dilka loo geystay haweeneydaasi ku sheegay mid baqdin badan geliyay bulshada deegaanka, xilli aan xog rasmi ah laga hayn waxa ay ku dileen.

Maamulka Degmada Heliwaa iyo Taliska Booliska ee Degmadaasi, ayaan wax war ah ka soo saarin haweeneyda deegaanka ka tirsan, ee lagu qaarajiyay Suuqa Xoolaha.

Berberanews.com

Muqdisho, Somalia