Xaalada wararkii u dambeeyay ee Markabka Hubka baadida ah lagu qabtay

Berbera(Berberanews)-inkasta oo warar xalay niskii dambe soo baxay ay sheegayeen in lagu wado in la rogo Hubka Baadida ah ee lagu qabtay Markabka MC Shaakir oo Sabtidii todobaadkii hore ku soo xidhay Marsada Berbera, isagoo  shixnado u siday ganacsto reer Somaliland ah, hadana wali waxa xaqiiqo ah inaan shay laga dejin markabka dushiisa.   

Ma jiraan warar madaxbannaan oo si cad daboolka uga qaaday go’aanka rasmiga ah ee Xukuumadda Somaliland ka qaadatay sannada Milateri ee dhex taalla Markabkan oo tan iyo markii la qabtay cis si toos ah u sheegatay aanay jirin.hubka787

Hase-yeeshee, warar Wargeyska Yool baahiyey oo sida la sheegay laga helay ilo-rasmi ah, ayaa sheegaya in Wasiirka Daakhiligu Md Cali Waran-cadde oo Shalay gelinkii-hore socdaal la xidhiidha hawsha Markabka ugu kicitimaya Magaalada Berbera ee xarunta Gobollka Saaxil, ay  ujeedada safarkiisu daarantahay ama ku qotomo sidii loo dejin lahaa Hubka. Waxa kaloo, wararku intaa ku dareen sabbabo badan awgood in soo dejinta hubka lagu wado inay dhacdo Saacadihii dambe ee Xalay, laakiinse taasi may dhicin, inkasta oo macluumaadka ku saabsan arrintani xagga dawladda iyo dhinaca shicibkaba aad u koobbanyahay.DSC074362

Geesta kale, wararka ku saabsan arrintan ee Magaalada Berbera is-daba guuraya, ayaa tibaaxay in Saacadihii dambe ee Shalay ay isa soo tareen warar sheegaya in Xukuumaddu ka laabtay go’aankeedii ahaa rogista hubka, hase-yeeshee, ma jiro war si dhab ah u xaqiijinaya jiritaanka warkaas laftiisu.

Markabka MC Shaakir ee hubka lagu qabtay, ayaa Xukuumadda Somaliland cod-dheer ku sheegtay in hubku ka kooban yahay Baabuurta dagaalka, Kaare, Beebee, iyo Laashashka kuwa dheereeya ah, iyadoo sidoo kalena, sheegtay in shixnadda hubka ee Markabku siday laga waayey wax macluumaadka baadi-sooc ah ee lagu caddeeyo Baddeecadaha Maraakiibtu  u kala dhoofiso caalamka, sidaa darteed-na, waxaa Xukuumaddu sheegtay inay adkaatay in la ogaado Hubka, ka-hor intii aanay soo shaac saarin shixnadda Hubka ah qaar ka mid ah shaqaalaha Dekedda Berbera, oo iyagu ka shaqaynayey Markabka dushiisa.
DSC07437

Si kastaba ahaa ahaatee Saanaddan Milateri ee  Miisaanka leh ee gacanta Somaliland soo gashay ayaa wali xaalkeedu yahay Baadi sumad lagu yaboohiyo lahayn.