Al-shabaab oo Nolosha ku Gubay Nin ka Ganacsan Jiray Dhuxusha

Muqdisho (Berberanews)- Dagaalyahanno ka tirsan Al-shabaab, ayaa la sheegay inay nolosha ku gubeen nin ka ganacsan jiray dhuxusha oo ku noolaa degaanka Jalalaqsi ee Gobolka Hiiraan ee dalka Soomaaliya.

 Ma jiro war rasmi ah oo Al-shabaab ku sheegteen dilka ninka dhuxulaysatada ah, balse maamulka Gobolka Hiiraan, ayaa saxaafadda u sheegay in Al-shabaab hore u soo saareen amar ah in aan dhirta degaanka la goyn karin, dhuxulna laga shidan karin, kuwaasoo ku hanjabay inay tallaabo adag ka qaadi doonaan cid kastoo ay ku qabtaan dhir la goynayo.

Duqa degmada Jalalaqsi Mr. Cumar Cismaan Macaanaw, ayaa sheegay in Al-shabaab hore ugu digeen ninka ay dileen, laakiin aannu u hoggaansamin digniintooda, iyadoo taasina sababtay inay isagoo nool ku gubaan meel uu dhuxul ka shidanayey.

“Nimankii (Al-shabaab) waxay soo rogeen in aan geedaha la jari karin, ciddii jarta talnoloslaabo ka qaadi doonaan. Mid ka mid ah dadka degaanka ayaa ka dhego adaygay amarkaas, isagoo intuu geedo badan gooyey ka dhigtay dhuxul uu ka ganacsado, nasiib-darro Al-shabaab ayaa maqlay in ninkaasi dhir badan jaro. Way qabteen, waxayna ku dhex gubeen dhuxushii uu doonayey inuu iibiyo, isagoo nool ayeyna ku dhex rideen dhuxusha oo dab xooggan ka baxayo.

 Waa fal naxariis-darro ah, waa fal bani’aadanimada ka baxsan, waa fal aan hore ugaba dhicin Soomaaliya. Nimankan waxay geysteen falkii ugu xumaa oo Soomaaliya ka dhaca,” ,” ayuu yidhi Mr. Macaanaw.