Yemen-(Berberanews)-Dooni ay saarnaayeen 49 qaxooti ah oo isugu jira Soomaali iyo Ethiopian ayaa ku degtay xeebta dalka Yemen, tirada dhimasahada ayaa lagu sheegay 19 Soomaali ah iyo 17 Ethiopian.
Wasaaradda gashaandhiga ee Yemen ayaa sheegtay in la soo bad-baadiyay 13 qof , oo 10 ay Ethiopian yihiin, halka 3 kalena ay Soomaali yihiin.
Wararka ayaa sheegay in dhammaan intii kale ee doonida saarnaa laga cabsi qabo inay dhinteen.
 Weriyaha VOA Sanca Jacfar Kuukaay ayaa haddaba goor dhaweyd wareystay, Saleebaan Muxumed Dacar oo ka mid ah saddexda Soomaalida ah ee la soo bad-baadiyay wuxuuna imika ku sugan yaha cisbitaal ku yaalla xerada Kharaz ee dalka Yemen.
Berberanews.com