“Facbook uu ku qoranyahay Marwo Faadumo Siciid Maaha kaygii waa qof xanuusanaya.” Faadumo Siciid

Hargeisa-(Berberanews)-Lataliyaha Arimaha Dibada Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaridka  ah Wadani Marwo Faadumo Siciid ayaa maanta mar ay warbaahinta kula hadlaysay xafiiska Xisbiga Mucaaridka ah ee Wadani ayaa waxa ay sheegtay in la jabsaday akoonkeedii ay ku lahayd barta Facebook ga ,isla markaana la isticmaalayo magaceedii  iyadoo dadka laga aflagaadaynayo Marwo Faadumo oo arimahaa ka hadlaysaa waxa ay tidhi  “ Waxaan jecelahay Asxaabtaydii Taageerayaashaydii , Ehelkaygii in aan ogaysiiyo Arin khatar oo igu timi waxa jirta akoonkaygii aan ku lahaa barta mareegta facebook aan Taageerayaasha iyo ehelkaygaba kala hadli jiray in la jabsaday,hala jabsadee waxa ka sii daran in la soo dhigo doodo aad u fool xun oo iska hor keenayaa dhalinyartii xisbiga Ucid Iyo Wadani.

Akoonka la Jabsaday waxa yaala sawirka ka muuqda Profile ka halkan yaala waxaan ku qoran magaca Marwo fatima saeed.faadumo-siciiid

Waa loo dul qaadankaraa lakiin waxa ka sii daran in ay soo dhigaan sawiro aan leeyahay isla markaan ay la hadlayaan qof aliyo kay donaan waxay doonaan ku odhanayaan taasina waa mid ay igu ceebaynayaan xataa ay dadka u dirayaan waxayaabo fool xun oo dhaqanka islaamka ka baxsan taas ayaan u sheegayaa cidwalba oo aan asxaab ka ahayin akoonkaygaa facebook.

Facbook uu ku qoranyahay Marwo Faadumo Siciid Maaha kaygii waa qof xanuusanaya ayaa isticmaalaya oo jabsaday isla markaan waxaan u sheegayaa dhamaan umada in aan aniga ahayin waa qof doonayaa iyo uu magaca iyo sharafta aan ku leeyahay bulshadayda iga xayuubiyo inta la saaxiibka ahna waxaan leeyahay balck Saara oo Facebook ka rebort gareeya.

Waxa kale oo aan u sheegayaa Taageerayaashayda dadka aanu qadarinta isku hayno in aan imika leeyahay facebook ay ku qorantahay Faadumo Siciid kaas ayaan leeyahay kaas ayaan ka soo wada xidhiidhi karnaa “

Berberanews.com

info@berberanews.com