Berbera-(Berberanews)-Dawladda Somaliland, ayaa shalay sii deysay Markab lagu magcaabo Shakir 1 oo lagu 24kii Bishii aynu ka soo gudubnay lagu qabtay dekedda Berbera 24 January 2015, kaas oo lagu qabtay saannad hub oo dorraad laga dejiyay
Haseyeeshee, waxaa hubkaas dubloo saaray maanta,ka dib markii Wasiirka Arrimaha Somaliland Maxamed Biixi Yoonis sheegay in xidhiidh is faham ay ka gaadheen labada dawladood ee Somaliland iyo Sudan. Sidaa awgeed ay go’aansadeen xukuumad ahaan in lasii daayo markabka iyo Hubkii saarnaa.
Sida aanu halkan idiinku soo gudbinay shebekadda Berberanews ayaa heshay warqad uu soo diray nin lagu magacaabo Mr Jamil Khatib oo ah maamulaha Macradka Bandhigga Hubka ee Dubai u soo diray Somaliland.
Daawo sawirro