Maraykanka oo faahfaahin ka bixiyay weerar circa ah oo ay ku qaadeen Somalia

Bbc-(Berberanews)-Xarunta Pentangon-ka ee Maraykanka ayaa xaqiijisay in weerar lagu bartilmaameedsaday sarkaal sare oo ka tirsan al-Shabaab lagu qaaday Soomaaliya sabtidii.

Rear Admiral John Kirby, ayaa sheegay in weli la darsayo natiijada ka dhalatay weerarkaas oo ay fuliyeen diyaaradaha aanay cidna wadin ee loo yaqaano Drones.

Waxa uu sheegay in badhtilmaameedku ahaa madaxa sirdoonka ee al-Shabaab Yusuf Dheeq, waxa uuna intaasi raaciyey, in dharbaaxo weyn ku tahay kooxda shabaab haddii la xaqiijiyo in la dilay ninkaasi.141203014805_rear_admiral_john_kirby_640x360_ap

Lama soo sheegin in dad rayid ah ay weerarkaasi wax ku noqdeen.

Bishii sagaalaad ee sanadkii tagay ee 2014-ka, hoggaamiyihii kooxda shabaab Axmed Godane ayaa waxa lagu dilay weerar uu qaaday Maraykanka.

 

Berberanews.com

info@berberanews.com