Maxkammad ku taalla Mombasa oo Mastaafuris ku xukuntay Ganacsafe Somali ah

Nairobi-(Berberanews)-Aweys Cumar Cosoble oo ah ganacsade Somaliyeed oo caan ka ah dalka Kenya, muddo 20 sano ka badana ku noollaa dalkaasi, ayaa waxay Maxkamad ku taala Magaalada Mombasa ay amartay in dalka laga musaafuriyo.

Bishii December, ayaa waxay Ciidamada Booliska Mombasa ay xabsiga u taxaabeen ganacsade Aweys Cumar iyo Ciise Mataan, markii lagu eedeeyay inay taageeraan argagaxisada.

Maxkamadda Mombasa, ayaa waxay si rasmi ah u cadeysay ganacsadaha inaanu ka mid ahayn argagaxisada, isla-markaana aanu weligii taageerin, sida ay muujinayaan cadeymaha ay heshay Maxkamaddu.maxkamad0

Maxkamaddu, ayaa hadana amartay in dalka Kenya laga musaafuriyo gaacsadaha caanka ah, waxaana Talaadadii shalay loo musaafuriyay dalka Somaliya.

Kenya, ayaa waxaa marar kala duwan lagu eedeeyay inay si khalafsan ula dhaqanto muwaadiniinta Somaliyeed, kuwa ganacsiga ku heysta dalkaasi iyo kuwa kale, ee sida caadiga ah ugu nool.

Berberanews.com

Nairobi, Kenya

info@berberanews.com