Hargeysa(Berberanews)-Ciidamada Booliska Somaliland, ayaa xabsiga u taxaabay boqoolal dhalinyarada Somaliland ee qaybo ka mid ah xaafaddaha Hargeysa, kuwaas oo lala xidhiidhiyay rabshado soo noq-noqday oo mudooyinkii u danbeeyay si weyn looga dareemay Caasimada Hargeysa, isla markaana cabsi ku abuuray bulshada ku dhaqan xaafaddaha Magaalada.
Kooxaha dhalinyarada oo la baxay magacyada kooxaha Kubaddaha ee caanka ka ah dalalka Yurub iyo kuwa loogu yeedho argagixisada sida kooxda loo yaqaan shadaadiin Alxumra ee Arsenal, kooxda dagaalyahanka ISIS ee Daacish iyo magacyo kale oo baddan sida Duufaan, ayaa ah kooxo si qarsoodi ah uga jira magaalooyinka dalka Somaliland intooda baddan, waxayna kooxahaa dhalinyarada ah oo dadka u geysta dhac iyo boob qaarkood maanta doonayeen inay xusaan sanad guuradii 7aad ee kasoo wareegtay aasaaskooda, balse Ciidanka Booliska oo dusha kala socday, ayaa isku xeeray Hoolka ay xaflada ku qabsanayeen, kuwaas oo xabsiga u taxaabay dhamaantood.
Dhalinyarada kooxaha ah, ayaa isugu jira wiilal iyo gabdho, balse hawlgalada ay dadka ku baadhtaan inta baddan lagu arko hablaha, balse kooxda Duufaan ee maanta Boolisku hareereeyeen iyagoo doonayay inay xaflad ku xusaan sanad guuradoodii 7aad iyo sidoo kale geerida mid ka mid ah kooxdaa oo Boolisku maalmihii u danbeeyay toogteen, ayaa lagu arkay tiro Hablo ah oo qayb ka ahaa xafladaa, kuwaas oo Boolisku xabsiga u taxaabeen iyaga iyo wiilashii dhalinyarada ahaa ee kooxdaa.
Ciidamada Booliska, ayaa hore ugu guuldaraystay inay gacan bir ah ku qabtaan dhalinyaradaa oo hadda u muuqda kooxo si aad ah u dhismay oo xoogaystay, isla markaana unugyo iyo faracyo ku yeeshay Xaafadaha magaalada Caasimada iyo meelo ka baxsanba, kuwaas oo hadda gaadhay heer ay bulshada Caasimada Hargeysa si weyn uga qayliyaan oo ay gaadheen inay u muuqdaan dawlado yar yar oo ka dhisan caasimada iyo magaalooyinka kale ee dalka qaarkood, isla markaana samaystay suuqyo iyo xaafado ay ka qaadaan lacag, wuxuuna dhaqankoodu noqday mid marba marka ka danbaysa faraha kasii baxaya , iyagoo ku kacaya falal iyo dhibaatooyinka khatarta ku ah amaanka bulshada.
Dadka arrimaha dhalinyarada iyo aasaaskooda la socda, ayaa ku doodaya in aanay sarakiisha Boolisku ka madhnayn dhibaatooyinka dhinaca aminga ee ay ku kacayeen dhalinyaradu, isla markaana ay jiraan qaar ka mid ah kooxahaa, ama dhalinyarada oo xidhiidh dhow la lahaa saraakiisha Booliska, kuwaas oo xiliyada loo baahdo kharashaad dhinaca amniga ah la istaadhi jiray oo ay rabshadaha ku kacaan si qiil loogu helo isticmaalka kharash dheeraad ah oo dhinaca amniga ah, maadaama kharashka dhinaca amnigu u baahan yahay in loo helo qiil, sidaa darteed la abuuro xaalad, balse Taliyaha Guud ee Booliska Somaliland oo tuhunka iyo xoggaha la xidhiidha arrintaa lagu weydiiyay maalmihii lasoo dhaafay su’aal, ayaa waxba kama jiraan ka dhigay xidhiidhka lala xidhiidhiyay ku lug lahaanshaha dhalinyarada iyo rabshadaha ay wadaan.
Sidoo kale xoggaha la xidhiidha qaab mashaariiceedka xaalad abuurka iyo xidhiidhka ka dhexeeya qaar ka mid ah Saraakiisha Booliska iyo dhalinyaradaa, ayaa tilmaamaya in caruuraha sidan oo kale ee loo xidho laga qaado waalidkood lacago baddan oo laaluush loo qiil sameeyay ah, taas oo waalidiinta lagaga qaado saldhigyada, iyadoo lacagtaa oo ah mid aan ahayn qaanuun sharci loo bixiyay ganaax, waalidiintu waxay ku khasbanaadaan inay bixiyaan lacagtaa si ay ubadkooda usoo furtaan, balse qaar baddan oo ka mid ah ayaa awoodi waaya inay Lacagtaa bixyaan, kuwaas oo dhibaatooyin dhaaale iyo duruufo nonoleed marka horeba la daalaa dhacayay oo la xarbiyay nolosha qoysaskooda. Sidoo kalena qaar baddan oo ka mid ah waxa dhacda in aanay Caruurtoodu waqtiyada la xidhay aanay qayb ka ahayn rabshada lala xidhiidhiyay.
Todobaadkan ayay ahayd markii kulan ay yeesheen Odayaasha Cuqaasha Maroodi-jeex iyo saraakiisha Boooliska, isla markaana ay sidoo kale kulankaa ka qayb galeen saraakiisha kale hay’addaha amaanka iyo wasaaradda Arrimaha Gudaha lagu shaaciyay in Odayaashu aqbaleen in Booliksu toogtaan caruurta dhalinyadda ah marka ay dhacaan rabshado ay ku kacaan, “kii la dilo ee Boolisku toogtaan mag malaha, waana in xabsiga loo dheereeyaa” sidaa waxa yidhi qaar ka mid ah Odayaasha ka qaybgalay kulnkaa, waxayna weedhahaasi ahaayeen kuwo ay bulshadu la yaabtay, iyagoo is weydiiyay sharciga banaynaya in qof aan xukun maxkamadeed ku dhicin oo aan geysan qudhgooyo dil ah waxa banaynaya dilkiisa.
Arrintaa oo la yaab ku noqotay Bulshada, ayaa dood ka abuurtay rayal caamka Bulshada, waxayna is weydiiyeen xiliga sharcigii iyo qaanuunkii dalku noqday awaamiir ay koox Odayaal iyo Cuqaal ahi bixiyaan, iyagoo weliba ku hadaaqaya in Madaxa laga toogto Caruurta, taas oo sababi karta in Booliska oo marka horeba lagu dhaleecaynayay inay rasaasta nool la eegtaan dadka haddii ay dhacaan rabshado, ama mudaharaadyo ay dhawaaqa Odayaashaa u qaataan mid qiil u noqonaya inay geystaan gabood-falo ka dhan ah qaanuunka dawliga ah iyo qawaaniinta xuquuqda Aadamaha.
Dabcan way jiraan Kooxo dhalinayaro ah oo dhibaato ku haya amaanka bulshada, isla markaana ku kaca falal denbiyo budhcadnimo, Kufsi iyo arrimo la xidhiidha, ama mararka qaar dagaalo koox koox ah ay dhexmaraan, balse waxay rayal caamka Bulshadu is weydiinayaan Ciidanka Boolisku ma yihiin kuwo akhlaaqiyan u dhisan, ma yihiin kuwo u tababaran shaqadooda, ma yihiin kuwo u daacad ah shaqadooda iyo xilka masuuliyada cuslus ee ay qaranka u hayaan, ama lagula xisaabtamo khaladaadka ka imanaya dhaqadooda iyo haddii ay muwaadiniinta kula kacaan gef, dhamaan astaamahaa ayaa ah kuwo tiro aad u yar laga helayo marka dib loo eego Booliska Somaliland.
Dhamaan astaamahaa iyo sifooyinkaa ayaa ah kuwo meesha ka baxay, isla markaana lumiyay haykalkii iyo sharaftii Booliska, sidaa awgeed waxa laga filan karaa waa inay ku kici karaan wax walaba oo ay ku heli karaan kharash, ama ay xaalad ku abuuri karaan si ay dhaqaale ama dakhli u helaan. Sidaa darteed waxa muuqata in ka hor inta aan la gaadhin caruurta iyo rabshadaha ay sameeyaan la helo Boolis wax saxa oo lef astaamihii iyo sifooyinkii Booliska.
Si kastaba ha ahaatee waxa muuqata sababo isku murugsan oo laga dheehan karo dhibaatooyinta dhalinyaradu ku kacaan iyo xidhiidhka ka dhexeeya, ama ku lug lahaanshaha saraakiisha Booliska qaarkood ee dhacdooyinkaa, sidaa awgeed waxa la gudboon xukuumadda Madaxweyne Siilanyo in guddi baadhiseed ay ku jiraan khuburo aqoon iyo khibrad u leh arrimaha baashista, isla markaana ah kuwo awood u leh inay cid walba su’aalo weydiin karaan oo daacad ah loo saaro sidii loo fur-furi lahaa xadhkaha isa sudhmay iyo xidhiidhka dhalinayarada la baxay magacyada Daacish, Shadaadiin alxumraa iyo kuwo kale oo ah khatar u baahan in gunteeda lasoo xaadho sababta keentay inay Boolisku daawadaan mudadii ay samaysmayeen kooxahaa dhalinayarada ah iyo cidda ay xidhiidh la leeyihiin.
By. Carraale M. Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.