Xogo Faahfaahsan oo Jamhuuriya ka Helay Carwada Millatari ee Lagu Qabanayo Dalka Imaaraadka Carabta

Hargeysa (Berberanews)- Xogo dheeraad iyo macluumaad faahfaahsan oo Jamhuuriya ka helay carwo millatari oo lagu qaban doono magaalada Abu Dhabi ee dalka Imaaraadka Carabta oo sida la sheegay dawladda Suudaan kaga qaybgalayso hubka saaran markabkii lagu qabtay magaalada Berbera, ayaa muujiyey noocyada qalabka millatari ee carwadaas lagu soo bandhigayo iyo ujeeddooyinka ku duugaan in bandhig caalami ah loo sameeyo hubka adduunka.

Carwada caalamiga ah ee qalabka difaaca oo sidoo kale uu weheliyo shirweyne khuseeya arrimaha millatariga oo la yidhaa IDEX (International defence exhibition and conference), ayaa magaalada Abu Dhabi ee dalka Imaaraadka Carabta lagu qaban doonaa 22 ilaa 26 bishan Februay 2015, waxana ka qaybgeli doona dalal badan, warshadaha ama shirkadaha soo saara qalabka iyo arrimaha tignoolojiga ee millatariga, kana kooban dhammaanba alaadaha iyo noocyada hubka loo adeegsado difaaca dhulka, cirka iyo badda.Carwo

Xogaha Jamhuuriya helay oo inta badan laga soo qaatay bogga internet-ka carwadaas millatari www.idexuae.ae iyo sidoo kale macluumaad kala duwan oo arrintaas laga diyaariyey, waxa ay iftiimiyeen in carwada arrimaha difaaca (IDEX) tahay mid labadii sanno mar lagu qabto magaalada Abu Dhabi, iyadoo carwadan oo kale hore loo qabtay sannadkii 2013, halka sannadkanna loo qoondeeyey 22 ilaa 26 February 2015, waana carwada amma bandhigga arrimaha millatariga ee ugu weyn caalamka.

Sida xoguhu muujiyeen, waxa carwada ka qaybgeli doona saraakiisha ugu sarreeya dhinaca millatariga dalal badan oo caalamka ah oo kala socda Afrika, Yurub, Ameerika, Aasiya, shirkadaha waaweyn ee hubka ka ganacsada, warshadaha ka shaqeeya wax-soo-saarka tignoolojiga ciidanka, waddamada iibiya hubka, kuwa iibsada iyo sidoo kale madax badan oo adduunka ah, waxana sida la sheegay ka qaybgalaya ergooyin tiradoodu gaadhayso ilaa 80 kun oo qof.

Bandhigga caalamiga ah millatariga adduunka oo ka dhici doona xarunta bandhigyada qaranka ee magaalada Abu Dhabi (Abu Dhabi National Exhibition Centre) oo ah markii 12aad ee la qabto, waxa si gaar ah loogu soo bandhigi doonaa gaadiidka gaashaaman ee dagaalka, doonyaha dheereeya ee ciidammada baddu adeegsadaan, diyaarado dagaal, noocyo kala duwan oo hub casri ah iyo qalab millatari, taasoo ujeeddada ugu weyn tahay in lagu soo jiito indhaha dalalka baahida u qaba iibsiga hub iyo qalab millatari, iyadoo sidoo kale ujeeddada carwadaasi yahay sidii la isugu xidhi lahaa dawladaha ee hubka u baahan, ganacsatada, ciidammada qalabka sida iyo cid kastoo ku hawlan arrimaha millatariga iyo horumarkiisa.

Waxa kaloo lagu soo bandhigayaa, si weyna loo xayeysiin doonaa qalabka millatari ama hannaanka tignooliyada si iskeed ah isku maamula, (Unmanned System), kana mid yihiin diyaaradaha aan duuliyaha lahayn (Drones) iyo weliba qalabka tegnooliga ugu dambeeyey ee loo adeegsado difaaca iyadoon qof bani’aadam ah ku hawloon, sida gaadiid yaryar oo kolba dhinac loo qaadan karo (portable vihicles), loona adeegsado dagaallada, sida baabuurta gaashaaman oo aad u yaryar, laguna wado qalab meelo fog laga maamulo, kuwaasoo ah waxyaabaha casriga ah ee hadda lagu soo kordhiyey goobaha difaaca ama millatariga.

Dalal badan oo caalamka ah ayaa carwadaas kaga qaybgelaya hub casri ah iyo qalab millatari oo ay difaac ahaan u samaysteen, halka qaarkoodna hubkaas ugu talogaleen ganacsi ahaan, waxana dalalka carwadaas ka qaybgalaya ka mid ah Suudaan oo kaga qaybgalaysa hubkii lagu qabtay dekedda magaalada Berbera ee Jamhuuriyadda Somaliland, waxana sida xoguhu tibaaxeen markasta oo carwadaas la qabto laga faa’iidaa lacago malaayiin dollar ah.