Wakiilka Qarammada Midoobay ee Somalia oo Uganda ka dalbaday Ciidamo Dheeraada

Muqdisho-(Berberanews)-Wakiilka Qaramada Midoobe ee Somaliya Amb. Nicholas Kay, ayaa Dowladda Uganda ugu baaqay inay soo kordhiso Ciidamada Ilaalada Qaramada Midoobe ee ku sugan Somaliya.

Nicholas Kay oo maanta shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Muqdiso, ayaa sheegay in Qaramada Midoobe ay ballaarisay hawlgalkeeda Somaliya, sidaasi daraadeedna loo baahday in la kordhiyo Ciidamada Ilaalada ee Xafiisyada Qaramada Midoobe.

“Hawlgalka Qaramada Midoobe ee Somaliya waanu ballaarinay, sidaasi daraadeed waxaa loo baahan yahay in la kordhiyo Ciidamada Ilaalada Qaramada Midoobe, ee ku sugan Xarunta Xalane iyo agagaaraha Garoonka Aadan Cadde.” Ayuu yidhi Nicholas Kay.08-28-2013nicholaskay

“Ciidamadaan waxay ilaalin doonaan oo ay ka hawlgalayaan Xarumaha Qaramada Midoobe ku lee dahay Magaalada Muqdisho, maadaama aanu hawlgalka ballaarinay waa in la kordhiyaa Ciidamada Ilaalada ee Xafiisyada Qaramada Midoobe.” Ayuu markale yidhi.

“Dowladda Uganda waxaan ka codsaneynaa inay soo kordhiso Ciidamadeeda Ilaalada Xafiisyada Qaramada Midoobe ee Magaalada Muqdisho, si ammaanka loo xaqiijiyo.” Sidaasi waxaa yidhi Nicholas Kay.

“Hadda khatar badan oo xagga ammaanka ah kama jirto Magaalada Muqdisho, hadana waxaa loo baahan yahay in markasta taxadar la sameeyo.” Ayuu hadalkiisa ku soo gaba gabeeyay.

Uganda waxay sanadkii tagey ay Somaliya u soo dirtay ilaa 400 oo askari, kuwaa oo si gaar ah kaga hawlgala Xarumaha Qaramada Midoobe ku lee dahay Magaalada Muqdisho.

Berberanews.com

info@berberanews.com