“Waxaanu leenahay Somaliland ha xejisato waanu kordhinaynaaye,.” Boqor Buurmadow

Hargeysa:(Berberanews)-Cismaan Aw Maxamuud Burmadow oo kamid ah Madax-dhaqameedka kasoo jeeda Beesha Madaxweyne Siilaanyo, ayaa sheegay in Beeshoodu si gaar ah Maanka ugu hayso sidii madaxweynaha loogu kordhin lahaa laba sano ee dheeraad ah.

Boqor Buurmadow waxa uu sheegay in beeshu ku hawllan tahay sidii uu madaxweyne Siilaanyo laba sano oo korodhsiimo ah u heli lahaa, isla-markaana uu qaban tartan xalaal ah oo aanu isagu qayb ka ahayn, isagoo taasna ku sababeeyey inuu wax badan dalka ka qabtay muddadii uu xilkaaas hayey,

“Qolada Waddani oo aanu aad sxb u nahay baan u sheegay in haddii doonayaan in si fiican wax u dhacaan inagoo dhinacyo badan wax ka eegayno waxa fiicnaan lahayd in odaygu maadaama uu soo shaqeeyey oo si fiican u shaqeeyey in laba sano loo kordhiyo, taas waan qabaa Ka-beel ahaana waanu qabnaa,”ayuu yidhi Boqor Cismaan Buurmadow.boqor-buur-madaw

Boqorka Hadalkiisa sii wata, ayaa sheegay in marka la eego Beesha Madaxweynaha aanay qorshaha ugu jirin in madaxweynuhu aanu xilka kaga tagin shanti sano ee Distooriga ahayd, isla-markaana ay rajo fiican beeshoodu ka qabto in Guurtida iyo Komsihankuba ku raaci doonaan, waxana uu yidhi,

 “Annagu ka beel ahaan qorshaha nooguma jirto in madaxweynah shan sano lagaga tago ama reer Ahaan ay kaga wareegto, waxana aanu leenahay Somaliland ha xejisato waanu kordhinaynaaye, haddana kama boodayno Komishanka, guurtida Rajo fiican baanu ka qabnaa,, ciddii wadadii hore la leexisa ee mark acid loo kordhiyo diidanayaa iyagaa og meesha ay wax ku wadaan.”

 Boqorka hadalkiisan ayaa kusoo beegmaya xilli muddo xileedkii madaxweyne siilaanyo ay ka hadhsan tahay kaliya Wax aan shan bilood gaadhin, isla-markaana aanay xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo diyaarin jawi buuxa oo suurtagelin kara in doorasho xiligeedii dhacdaa dalka ka qabsoonto.

 

Berberanews.com

info@berberanews.com