“Xabbadi wuxuunbay sii kharibtaaye wanaag ma keento” Xildh Siciid Cilmi Rooble

Hargeysa (Berberanews)-Gidoomiyaha Gudida Cadaalada Golaha Wakiilada Somaliland Oo HCTV U waramay ayaa xukuumadda ku eedeeyay inay wax xal ah ka keeni wayday dhalinyarada habeenkii rabshadaha ka sameeya magaaladda hargeysa waxaana uu sheegay inay xukuumaddu gebi ahaanba ay ku fashilantay,Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble waxa uu wax lala yaabo ku tilmaamay in xukuumaddu ku xaliso tikniko iyo xabad loo isticmaalo rabshadaha iyo dhibaatooyinka ay sameeyaan dhalinyaradu “dhalinyaradeenii kuwii iskuulada ka soo baxayay iyo kuwii jaamacadaha ka soo baxay markay ku fashilantay inay jihayso oo shaqo ama barnaamijyo ku jihayso dhalinyarada oo meelo u samayso ileyn iyada ayaa ka masuula ayay dhalinyariida bannaanka u soo baxeen,markaasay xukuumaddiina tikniko gelisay iyo xabad lala dhaco taasina waa waxyaabaha la yaabka leh oo xabadi wuxuunbay sii kharibtaaye wanaag ma keento” ayuu yidhi xildhibaan Siciid.Xildhibaan-Siciid-Cilmi-Rooble

Waxaana uu u soo jeediyay xukuumadda inay la timaado xal kale oo aan xabad ahayn isla markaana ay maskaxda ka shaqeysiiso oo ay farsamo kale oo lagaga hor tago rabshadaha ay sameeyaan dhalinyaradu ay raadiso.

Dhinaca kale xildhibaan siciid cilmi rooble ayaa waxa uu xukuumadda ku dhaliilay inay hanaan aan haboonayn u martay siideynta markabkii hubka siday ee ku soo xidhay marsada caalamiga ah ee Berbera,xildhibaanka oo hadlaya ayaa yidhi “wax kasta adduunka way ka dhacaan oo maraakiib sida waxyaabahan oo kale way soo gashaa meelaha dekkedaha ah ama kootara baan ha ahaato ama yaanay ahaane,hase yeeshee qaabkii ay xukuumaddeenu uga hawlgashay arrintaasu may ahayn qaab dowladnimo,ee waxay ahayd qaab runtii anigu aan qabo inay hoos u dhac ku keentay qaranimadii iyo dowladnimadii Somaliland.

Xildhibaan siciid cilmi waxa uu wax layaab leh ku sheegay go’aanadii isburinayay ee masuuliyiinta xukuumaddu ka gaadheen arrinta markabka waxaana isagoo ka hadlaya uu yidhi “waxa la yidhi markii hore waa la soo dejiyay qaraarkaa waxa gaadhay madaxtooyada oo waa lala wareegay,waxa ku xigay dib haloo celiyo waynu siideynaye,waxaad moodaa dhaqankii boqortooyada ama budhcad baddeeda,dalkan ma boqorbaa haysta waa wax lala yaabo,oo boqor uunbaa kelidii amar bixiya oo wax yidhaa budhcad baddeeduna sidan oo kale ayay markay wax qabsato ammarka u bixisaa.

Markaa dhaqan dowladnimo waxay ahayd kombilitli markii uu bahalkaasi yimid cida siideynaysa ama celinaysa ama xukumaysa ama ganaaxaysa inay maxkamadu qabato ayay ahayd ee madaxweyne wax siidaaya oo wax celiya adduunka meel ay ka shaqaysaa ma jirto” ayuu ku soo gabagabeeyay xildhibaanku