Qarammada Midoobay oo Digniin culus u dirtay Xuutiyiinta Qabsaday Yemen

Sanca-(Berberanews)-Qaramada Midoobe, ayaa waxay ku goodisay in tallaabo ka qaadi doonto Xuuthiyiinta Yemen, ka dib markii ay sheegeen inay kala direen Baarlamaankii Yemen, oo ku bedeleen Gole Ku meel gaadh  ah.

Jimcihii, ayay iclaamiyeen in si buuxdo ay ula wareegeen talladii dalka Yemen, markii ay ku dhawaaqeen inay kala direen Baarlamaankii Yemen, lana wareegeen Madaxtooyadii Sanca.

Bayaan ay soo saartay Qaramada Midoobe, ayaa waxay Xuuthiyiinta ka dalbatay inay si deg deg ah xukunkii dalka u wareejiyaan, haddii kalana laga qaadi doono tallaabo adag.150126174003_yemen_huti_640x360_reuters_nocredit

Bayaanka laguma sheegin nooca ay noqon doonto tallaabada ka dhanka ah Xuuthiyiinta, haddii ayba dhacdo inaanay wareejin tallada iyo xukunka dalkaasi Yemen.

Xuuthiyiinta oo bishii hore ee January qabsaday Madaxtooyada Magaalada Sanca, ayaa waxay sabab u noqdeen in xilka uu iska casilo Madaxweynihii dalkaasi Abdrabbuh Mansour Hadi.

Berberanews.com

info@berberanews.com