Alle ha u naxariistee Xildhibaan Dhugad oo ku geeriyooday Hargeysa

Hargeysa-(Berberanews)-Alle ha u naxariistee Xildhibaan Cabdillaahi Ibraahim Xirsi (Dhugad) oo ka tirsan golaha guurtidda Somaliland ayaa imika ku geeriyooday gurigiisa magaaladda Hargeysa ee caasimadda Somaliland.

Sida ay noo xaqiiyeen xubno ka mid ah qoyskiisu Marxuumka ayaa isagu mudooyinkii u danbeeyey xaalad caafimaad u jiifay gurigiisa magaaladda, kaas oo Alle ha u naxariistii goordhawayd uu ku geeriyooday.42dhugad

Sidoo kale Alle ha u naxariistee Xildhibaan Dhugad oo ka mid ahaa waxgaradka reer Somaliland ee mudada dheer kasoo shaqeeyey nabadgalyada iyo kala danbaynta dalka, isla markaana ka mid ahaa odayaashii ugu cad-cadaa ee doorka wayn kasoo qaatay dib u heshiisiintii beelaha Somaliland.

Berberanews.com, Hargeysa

info@berberanews.com