Baarlamaanka Somalia oo ansixiyay Golaha Wasiirrada cusub

Muqdisho(Berberanews):- Mudanayaasha Golaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, ayaa maanta si rasmi ah u ansixiyey Golaha Wasiirrada Xukuumadda Cusub ee uu dhawaan magacaabay Raysal-wasaaraha la magacaabay Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke.

Xildhibaanno tiradoodu dhan tahay 191 Mudane oo ka tirsanaa laba Boqol iyo Labaatan Xildhibaan oo fadhiyey Fadhiga Golaha ee Maanta, ayaa oggolaaday in la ansixiyo Wasiirrada iyo Wasiir Ku-xigeennada Xukuumadda Cusub ee Soomaaliya oo Saaka la horkeenay Golaha, waxa diiday laba iyo Labaatan Xildhibaan.

Sidaas ayaanay Golaha Wasiirrada Xukuumadda Cumar Cabdirashiid ku ansaxeen sida uu fadhiga ka sheegay Guddoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya Prof: Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari. Guddoomiyaha Maxkamadda Sare, ayaa isla fadhigaas Saaka ee Golaha  Baarlamaanka ku dhaariyey Golaha Wasiirrada Xukuumadda cusub, ka dib markii ay codka kalsoonida ka heleen Mudanayaasha Baarlamaanka.b4 b3 b2 b1

Raysal-Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke oo go’aankaa Xildhibaannada ka dib hadlay, ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay sida ay Xildhibaannada Baarlamaanku codka aqlabiyadda ah ugu ansixiyeen Golaha Wasiirrada Xukuumadda uu soo dhisay ee ay codka kalsoonida u siiyeen.

Waxa uu Raysal-wasaare Sharma’arke sheegay in Xukuumadda maanta la ansixiyey ee uu soo dhisay hirgelin doonto shaqo hufan iyo daacadnimo inay dalka iyo dadka Soomaaliyeed ku gaadhsiiso qorshaha higsiga cusub ee illaa sannadka 2016-ka, oo la qorsheeyey in nidaam doorasho laga hirgeliyo dalka Soomaaliya.