Hargeysa: Suxufiyiin cambaaraysay Xadhiga Weriye M Cabdillaahi (Soo fadhiiste)

Hargeysa-(Berberanews)-Weriye Maxamed Soo-fadhiiste oo TV-ga Somali Chenal uga soo warrami jiray magaalada Berbera ee xarunta gobolka Saaxil, sidoo kalena Tifaftire ka ahaa Shabakadda Berberatoday, ayay Suxufiyiinta xadhiggiisa cambaareeyey sheegeen in sifaha lagu xidhay sharci-darro ahayd oo Waaran la’aan ay Ciidammo Booliska ka tirsani kala soo baxeen gurigiisa Berbera uu ka deggan yahay wakhti habeennimo ah, sidoo kalena laba Kiis oo lagu soo eedeeyey wax caddayn ah Maxkamadda horteeda loogaga waayey.

Suxufiyiintan oo maanta Shir Jaraa’id ku qabtay magaalada Hargeysa, waxay Xukuumadda talada haysa ee Madaxweyne Siilaanyo ugu baaqeen in si deg-deg ah xorriyaddiisa loogu soo celiyo Weriye Maxamed Cabdillaahi Soo-fadhiiste, maaddaama oo uu muddo ku xidhan yahay sifo Sharci-darro ah, tacaddiga iyo cabbudhinta ay Xukuumaddu ku hayso Weriyeyaasha Madaxa-bannaan-na ka deyso.

Xukuumadda Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa muddada ay jirtay ee afarta sano iyo badhka ah waxa Somaliland lagu xidh-xidhay Suxufiyiintii ugu tirada badnaa, kuwo la dilay, iyo qaar badan oo hanjabaad iyo tacaddiyo kala duwan ay Xukuumaddu kula kacday, kuwaasoo tirada la xidhay boqollaal gaadhayaan, halka ay Xukuumadda Siilaanyo Albaabbada u laabtay Xarumo Warbaahineed oo ay ka mid yihiin Wargeysyada Hubaal iyo Haatuf oo ka mid ahaa Wargeysyada madaxa-bannaan ee ka soo baxa Caasimadda Hargeysa, Xarumo TV-yo oo markii dambe ay Xayiraadda ka qaadday, halka ay labadaas Wargeys weli u xayiran yihiin Masuuliyiin ka tirsan Xukuumadda Axmed-Siilaanyo, iyadoo Wargeysyadaa qaarkood Maxkamaddu wax dembi ah ku weyday oo ay xayiraadda ka qaadday, balse awood Xukuumadeed weli ku xidhan