“Waxaannu ugu baaqaynaa Madaxwaynaha inuu dib-u-haybayn ballaadhan ku sameeyo hay’adaha sharci-fulinta Somaliland”
“Waxa habboon in dunida laga soo kiraysto khabiirro caalami ah, aqoon fiicanna u leh la-tacaalidda dambiyada abaabulan ee xuduudaha isaga gudba, la-dagaallanka argagixisada dhiigga qabow iyo abuuridda boolis dadku la xisaabtami karaan”
“Tan iyo markii KULMIYE talada qabtay dalka lama arag askari boolis ah oo caddaaladda lagu horgeeyay tacadi uu geystay, macquulna ma aha booliska iyo sharci-fulinta Somaliland waa ceeb-ka-saliim”
Warsaxaafadeed lagaga hadlay hawlgallada ka dhanka ah dhallinyarada
Hargeysa (Jam/Berberanews)- Difaacayaasha Xuquuqal-insaanka Somaliland, ayaa eedaymu culus tunka u saaray taliska booliska iyo masuuliyiinta Wasaaradda Daakhiliga, isla markaana tilmaamay in xukunno aan caddaalad ahayn lagu riday dhallinyaro laga qabqabtay Hargeysa, iyadoon qaab sharciqa waafaqsan loo kala saarin dembiileyaasha iyo da’yarta sida khaladka ah u galay gacanta bilayska.
Afhayeenka Difaacayaasha Xuquuqda Aadamiga Somaliland Mr. Saleebaan Ismaaciil Bullaale (Xuquuq), ayaa warsaxaafadeed uu saaray ku sheegay in xukunnada lagu riday da’yarta boolisku qabqabtay yihiin qaar meel-ka-dhac ku ah mabaadii’da iyo dhexdhexaadnimada hay’adaha garsoorka.
“Xukunnada ciqaabta xadhigga adag ah ee ay bilowday Maxkamadda Gobolka Maroodi-jeex inay ku xukunto dhallinyarada caasimadda Somaliland ee Hargeysa oo boolisku ku eedeeyo falal ammaan-daro, Difaacayaasha iyo Ururada Xuquuqda Aadamiga Somaliland waxay u arkaan qaar liddi ku ah mabaadii’da caddaaladda iyo dhexnimadii garsoorka dalkeenna. Taariikhdu markay ahayd 7 February 2015 ayey Maxkamadda Gobolka Maroodi-jeex ku xukuntay dhallinyaro tiradoodu kor u dhaafayso 50 xubnood ciqaab xadhig oo u dhexaysa shan bilood ilaa hal sanno oo xadhig adag ah, dhallinyaradaas oo hay’adaha sharci-fulinta Somaliland ku eedeeyeen inay xilliyada habeenkii ka sameeyaan caasimadda falal ammaan-darro.
Sida ay warbaahinta u sheegeen saraakiisha sare ee booliska iyo Wasaaradda Arrimaha Gudaha waxa dhallinyarada la xukumo lagu xidhi doono xabsiyo aad uga fog deegaannada ay ku nool yihiin waalidkood, si aanay waalidku u awoodin inay xabsiga dhexdiisa ku quudiyaan ama si joogto ah ugu booqdaan carruurtooda, isla markaana dhallinta la xukumo u dareemaan xabsi adag oo kulul,” ayaa lagu yidhi qoraalka.
Waxa kaloo Difaacayaasha Xuquuqal-insaanka Somaliland ku tilmaameen qaabka loo maray xukunka dhallinyarada mid liddi ku ah xuquuqda iyo xorriyadaha aasaasiga ah ee muwaaddiniinta, “Difaacayaasha iyo Ururrada Xuquuqda Aadamiga Somaliland waxay u arkaan qaabka dhallinyaradan loo maxkamadeeyey iyo xukunnada lagu riday dhammaantood inay lid ku yihiin xuquuqda iyo xorriyadaha aasaasiga ah ee aadamaha uu dammaanad qaaday dastuurka Somaliland iyo aaladaha caalamiga ee xuquuqda aadamigu.
Ururrada Xuquuqda Aadamiga Somaliland waxay u arkaan in Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Taliska Ciidanka Booliska Somaliland markay ku fashilmeen hawshii ay qaranka u hayeen ee dhinaca ammaanka, kadib markii ay waxba ka qaban kari waayeen musuqmaasuqa naafeeyey hay’adaha sharci-fulinta Somaliland, gaar ahaan Ciidanka Booliska, Ciidanka Asluubta, dambi-oogayaasha, iyadoo taasi sababtay in magaalooyinka waaweyn ee Somaliland hoy u noqdaan xaddi aad u fara badan oo ah maandooriyayaasha, gaar ahaan noocyada xashiishadaha khatarta ah iyo khamriga, taasoo marka lagu daro iyadoo aanay dalka ka jirin goobo dhallinyaradu kaga fakadaan balwadaha xun-xun, sida garoomo ciyaareed, goleyaal madadaalo iyo maktabado ay keentay in inta badan dhallinyarada dalku isticmaalaan, ka ganacsadaan oo meherad ka dhigtaan mukhaadaraadka xashiishadda iyo khamriga,” ayaa lagu yidhi warsaxaafadeedka Difaacayaasha Xuquuqda Aadanaha.
Taliyaha Booliska Jamhuuriyadda Somaliland sarreeye guuto Cabdillaahi Fadal Iimaan oo Jamhuuriya khadka telefoonka kula xidhiidhay xalay si dhinacooda wax looga weydiiyey eedaymahan, ayaa sheegay in ciidanka bilaysku leeyahay afhayeen u hadlay isagoo ka hadalka arrintana isaga riixay dhinaca afhayeenka.
Sidoo kale, Afhayeenka Booliska Cabdillaahi Xasan Faarax oo isagana Jamhuuriya xidhiidh la sameeyey ayaanay suurtogal in la helo, telefoonkiisa gacanta uu xidhnaa awgeed.
Haseyeeshee, qoraalka Difaacayaasha Xuquuqda Aadanaha, ayaa lagu sheegay in da’yarta xukunnada lagu riday u badan yihiin arday wax ka barta jaamacadaha iyo goobaha kala duwan ee waxbarashada, isla markaana ku jiraan qaar da’doodu ka yartahay qaan-gaadh, taasina ka soo horjeedo shuruucda Somaliland iyo xeerarka caalamiga ah.
“Difaacayaasha Xuquuqda Aadamiga Somaliland ayaa u aqoonsaday in xukunnadan la mid yihiin kuwii ay soo saari jireen Gudiyadii Nabadgalyadda Degmooyinka iyo Gobollada Somaliland oo adeegsan jiray Xeerkii Public Order Law ama Xeerka Xukunka Degdega ah ee Nabadgalyada Guud. Xeerkaas iyo guddiyadii isticmaali jiray ayaa Madaxwayne Siilaanyo wax yar kadib markii uu talada dalka la wareegay July 2010 uu digreeto madaxwayne ku tirtiray.
Da’yarta dalka oo masuuliyiinta dawladda hoose iyo kuwa xukuumadda dhexe si shaqsi ah ugu tagrifaleen garoomadii iyo dhulkii danta guud ee dhallinyarada looga samayn lahaa goobo ay ku madadaashaan amma maktabado aqoon ka korodhsadaan.
Tan iyo markii xisbiga KULMIYE talada dalka Somaliland qabtay lama arag askari oo boolis ah oo la weydiiyay ama caddaaladda lagu horgeeyay dambi uu muwaaddiniinta ka galay ama tacadi uu geystay, macquulna ma aha booliska iyo sharci-fulinta Somaliland waa ceeb ka saliim.
Difaacayaasha Xuquuqda Aadamiga Somaliland waxay xogogaal u yihiin in waxan haatan lagu ciqaabayo da’yarta Somaliland ay qayb wayn ku leeyhiiin hay’adihii sharci-fulinta ee u xilsaarnaa ammaanka oo uu dishooday musuqmaasuq meelo yaxyax leh maraya.
Musuqmaasuqa Booliska Somaliland naafeeyey wuxuu sababay in 70% dacwadaha ka soo bilaabma saldhigayada bilayska dalka ay dambi-baadhayaasha joogaa gacmahooda kaga leexdaan caddaaladdii.
Waxa hubaal ah oo u doodayaasha xuquuqda iyo xorriyadaha aasaasiga ah ee Somaliland inay ka warqabaan in kor-u-kaca xaddiga soo gala dalka mukhaataraadka halista ah ee xashiishadda loo nuugo sida buuriga iyo kuwa dareeraha la cabbo lagu darsado iyo khamriga oo si xad-dhaaf ah u yaal dalkeenna ay sababta koowaad keenaan musuqa xadhkaha gooystay ee booliskeenna dhex miranaya, iyadoo dambi-baadhayaasha iyo saraakiisha booliskeenna iyo ciidankeenna xabsiyadu qabatimeen, kuna walfeen isticmaalka balwadda geedka qaadka, taas oo maanta sababtay in caddaalad-darrada ka taagan saldhigyada booliskeennu ka xumaato tii Siyaad Barre aynu kula dagaallannay,” ayaa lagu yidhi warsaxaafadeedka.
Afhayeenka Ururrada Xuquuqa Aadamiga ee Somaliland Mr. Xuquuq, ayaa sidoo kale xusay inay aad uga walaacsan yihiin xadgudubyo uu xusay in si ku-talogal ah xukuumaddu ugu samaynayso dhallinyarada.
“Ururrada u dooda xorriyadaha dastuuriga ah ee muwaaddiniinta waxay ka walaacsan yihiin xad-gudubyada ku talo-galka u eg ee xukuumadda Somaliland ku qaadday da’yarta dalka, waxaanuna leenahay xadhig iyo xabsi adag oo ubadka laga fageeyo waalidkood xal ma aha.
Waxaannu ugu baaqaynaa Madaxwaynaha qaranka Md. Axmed Maxamed Siilaanyo in uu dib-u-haybayn ballaadhan ku sameeyo hay’adaha sharci-fulinta, waxana habboon in khabiirro caalami ah oo aqoon fiican u leh la-tacaalidda dambiyada abaabulan ee xuduudaha isaga gudba, aqoon durugsana u leh la dagaalanka argagixisada dhiigga qabow iyo abuuridda boolis dadku la xisaabtami karaan uu dunida ka soo kiraysto,” ayuu yidhi Saleebaan Ismaaciil Bullaale.