Nin Somaliyed oo loo doortay Madaxweyne-ku-xigeenka Maxkamadda Dembiyada Caalamka

Berberanews-Abdulqawi Ahmed Yusuf oo ah muwaadin Somaliyeed, ayaa waxaa si rasmi ah loogu doortay Madaxweyne Ku Xigeenka Maxkamadda Dembiyada Caalamka, iyadoo uu xilkaasi hayn doono saddexda sano, ee soo socota

Madaxweynaha Maxkamadda Dembiyada Caalamka, ayaa waxaa loo doortay Judge Ronny Abraham, oo ah muwaadin u dhashay dalka Faransiiska.

Maxkamaddaan oo fadhigeedu uu yahay Magaalada The Hague ee dalka Holland, ayaa waxay qaaddaa kiisaska dembiyada. Sidoo kalana waxay qaaddaa arrimaha murunka la xiriira, ee ay isku hayaan dalalka dunida.

Sidoo kale waxaa weeye Maxkamadda dunida ugu sareysa, waana garabka cadaaladda/garsoorka ee Qaramada Midoobe.icc

Abdulqawi Ahmed Yusuf oo ah Xaakimkii ugu horeeyay ee Somaliyeed ee Maxkamadani ka hawlgala, ayaa sidoo kale noqonaayo ninkii ugu horeeyay oo Somaliyeed, oo qabta xilka Madaxweyne Ku Xigeenka Maxkamadda Dembiyada Caalamka.

Tani waxay ku soo aadeysaa, xilli sanadkii hore ay Dowadda Somaliya dacwad ka dhan ah dalka Kenya u gudbisay Maxkamadda The Hague, markii Kenya lagu eedeeyay inay damaaciday qaybo ka mid ah xeebaha Somaliya.