Muqdisho(Berberanews)-Kooxo hubeysan ayaa ku dilay Muqdisho Xildhibaan Cabdullaahi Khayraad Barre oo ka mid ah xubnaha baarlamaanka Soomaaliya, xilli maanta lagu waday in codaka kalsoonida ah loo qaado xukuumaddii uu dhawaan soo dhisay ra’iisul wasaare Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke.
Xildhibaanka ayaa lagu dilay gurigiisa hortiisa xilli uu kasoo baxay gurigiisa; isagoo ku socday baarlamaanka Soomaaliya, iyadoo kooxaha dilka geystay ay goobta ka baxsadeen.
Dilka xildhibaanka ayaa waxaa warbaahinta u xaqiijiyay xoghayaha guud ee baarlamaanka Soomaaliya, C/kariin Xaaji Buux, isagoo ka mid noqonaya tiro xildhibaanno ah oo horay loogu dilay Muqdisho.
Illaa hadda ma jirto wax war ah oo kasoo baxay hay’adaha amniga dowlada oo ku saabsan dilka xildhibaanka, iyadoo sidoo kalena aysan jirin cid weli sheegatay mas’uuliyadda dilka xildhibaankan ka tirsanaa baarlamaanka.
Raysal-wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Cumar Cabdirashid Cali Sharmarke ayaa si kulul u cambaareeyey dilkii naxariis darada ahaa ee saaka loo gaystay Xildhibaan Cabdullahi Qayaad Bare,
“Waxaan u dirayaa tacsi tiiraanyo leh Ehelkii, Qaraabadii, Saxiibadii, dhamaan shacabka Soomaaliyeed iyo Xildhibaanada Baarlamaanka, dilkii loo gaystay Xildhibaan Cabdullahi Qayaad, wuxaana Ilaahay uga baryayaa inuu naxariistii jano ka waraabiyo samir iyo imaana ka siiyo. Xildhibaanku wuxuu ahaa mid u taagan ka shaqaynta danta qaranka, waxaana dilkaan lala beegsaday isagoo ku guda jira waajibaadkiisa shaqo”ayuu yiri RW Cabdiwali oo dhanka kale sheegay in arxan darayaasha gaystay dilka Xildhibaanka la horkeeno cadaaladda, loomana ogolaan karo kuwo ku sifoobay falalka argagaxiso iney hor istaagaan howlaha ay qaranka u hayaan xildhibaandu.
“Waxaan ku boorinayaa Xildhibaanada oo dhan in ay u muujiyaan naxariis iyo geesinimo maanta oo kale oo baroor diiq ah. Waxaan ku boogaadinayaa Xildhibaanda Baarlamaanka sida ay uga go’an tahay fulinta waajibaadka madaniga ah” ayuu yiri RW Cumar.