Britain iyo Faransiiska oo xidhay Safaaradahoodii Yemen

Yemen-(Berberanews)-Dowladaha Britain, Faransiiska iyo Mareykanka, ayaa waxay xaqiijiyeen in si rasmi ah ay albaabada ugu laabeen Safaaradaha, ay ku lee yihiin Magaalada Sanca ee Xarunta Yemen.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda Mareykanka, ayaa Talaadadii si rasmi ah u xaqiijisay inay albaabada u laabeen Safaaradoodii Magaalada Sanca, sababo ku aadan walaac ay ka qabaan xagga ammaanka.

Dowladaha Britain iyo Faransiiska, ayaa iyaguna Arbacadii maanta ku daba feelay Dowladda Mareykanka, waxayna si rasmi ah ay ugu dhawaaqeen inay xireen Safaaradahoodii Magaalada Sanca.US-France-UK-close-embassies-in-Yemen-amid-chaos

Wakiilka Midowga Yurub ee dalka Yemen haweeneyda lagu magacaabo Bettina Muscheidt, ayaa waxay iyana maanta ku dhawaaqday in muddo 48 saacadood ah, ay shaqaalahooda ugala baxayaan dalka Yemen.

Reer Galbeedka, ayaa si isku midda u sheegay inay ka baqdin qabaan ammaanka dalka Yemen, ka dib markii toddobaadkii hore ay Xuuthiyiintu ku dhawaaqeen inay kala direen Baarlamaankii Yemen, ayna u dhiibeen Gole, si ku meel gaar ah u maamula dalkaasi.

Berberanews.com

info@berberanews.com