Baladweyne-(Berberanews)-Boqolaal askari oo ka socdo Dowladda Jabuuti, qaybna ka ah Xoogaga Midowga Afrika ee Amisom, ayaa waxay maanta ka cago dhigteen Garoonka Duulimaadyada Ugaas Khaliif ee Magaalada Baladweyne.
Ciidamadaan oo tiradoodu lagu sheegay in ka badan 500 oo askari, ayaa waxay la socdeen diyaarado ka soo qaaday Magaalada Djibouti,
Ciidamada Dowladda iyo Amisom ee ku sugan Magaalada Baladweyne, ayaa waxay xidheen wadooyinka soo gala, kana baxa Garoonka Ugaas Khaliif, mudadii ay ka degayeen Ciidamada Militariga Jabuuti.
Ciidamadaan, ayaa waxay ku biiri doonaan Xoogaga Midowga Afrika ee Gobolka Hiiraan ku sugan, si ay uga qayb qaataan la dagaalanka lagula jiro maleeshiyada Ururka Al Shabaab.
Maxamuud Cali Yuusuf, Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Jamhuuriyadda Jabuuti, ayaa 9-kii bishii January sheegay in Jabuuti ay ciidan dheeraad ah u soo diri doonto dalka Somaliya.
Jamhuuriyadda Jabuuti waxay horey u sheegtay inay Dowladda Somaliya kala shaqayn doonto, sidii dalka loo gaadhsiin lahaa hiigsiga sanadka 2016-ka, oo qorshuhu yahay in doorasho afti dadweyne ay ka qabsoomto dalka.
Berberanews.com