Qaahira-(Berberanews)-Maxkamad ku taal Masar, ayaa maanta amar ku bixisay in la sii daayo laba Suxufi oo ka tirsan Telefishinka Caalamiga ah ee Aljazeera, ka dib markii Maxkamaddu ay hakisay dacwadihii loo heystay.
Maxkamaddu waxay amartay in damaanad lagu sii daayo Baher Mohamed iyo Mohamed Fahmy, ka dib markii 411 maalmood ka hor ay Maxkamaddi ku eedeysay inay taageero u fidinayeen Madaxweynihii hore ee dalka Masar Mohamed Morsi iyo Xisbigiisii Ikhwaanul Muslimiinka.
Mohamed Fahmy oo heysta dhalashada dalka Canada, ayaa waxaa damaanad ahaan looga dhigay 33 kun oo lacagta Mareykanka ah, halka aan wax lacag ah laga dhigin Baher Mohamed, oo u dhashay dalka Masar.
Fahmy, ayaa toddobaadkii hore ogolaaday in uu ka tanaasulo dhashada dalka Masar, uuna ku ekaado dhalashada uu ka heysto dalka Canada, si xabsiga looga sii daayo.
1-dii bishaan waxaa dib xoriyadiisa u helay Peter Greste oo la xirnaa labada Suxufi ee maanta la sii daayay, wuxuuna heystaa dhalashada dalka Australia. Sidoo kalana wuxuu ka tirsan yahay Wariye-yaasha Aljazeera ee qaybta Ingiriisiga.