Abwaan Sidiiq M. Burmad oo fasiray Hees Ujeeddadeedu dad badan ku adkaatay oo uu Curiyey

Hargeysa (Berberanews)- Waxaannu halkan idiinku soo gudbinaynaa Hees cusub oo fasirkeedu ama sharraxaaddeedu fahan ahaan ku adkaaday dad badan oo dhegaystay, heestan oo uu curiyey Abwaanka Farshaxanka Suudaanta ku ah, ahna Suxufi deggan Hargeysa, waa Sidiiq Maxamed Burmad, waxaana hab-dhaca Muusiga iyo Codka Macaan-ba ku ladhay Fannaanka Maxamed Siciid (BK).
Waxaa ka mid ah Erayada Heesta;
‘Ga’ay caashaq keligaa,
kuu galay qof kula galay
Axdiyoo misana gabay,
anna wayga go’an tahay…
Waxaa kale oo ka mid ah Erayada heesta 

Caashaqii Guyaal
Waa Goof dhankeedoo
Iyo bishmaha guudkuud
iyo Been G’o lagu deday: 
 
Hal-ku-dhagga Heestan cusub oo ujeeddadeeda Caashaq ama Jacayl iyo inay nuxur kale oo jacayl ka qaro-wayn siddo ay dad badani kala sufayn kari waayeen ama ku adkaatay, waxa uu yahay ‘Been Go Lagu Deday’!
 
Hore ayaa loo yidhi; ‘wax hallaguu sheego ee maankaaga la kaasho,’ sidaa awgeed annaguna fasiri mayno ee qof weliba maankiisa iyo maskaxdiisa halla kaashado. Waxaana heestaas oo aad ka wada heli doontaan aannu idiinku soo gudbinaynaa halkan hoose e o aad kaga bogan kartaan, ee Dhegaysi Wacan:-