Baydhabo-(Berberanews)-Alla ha u naxariistee waxaa Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay lagu dilay Sheekh Aadan Macalin C/laahi (Sheekh Aadan War-iisho).
Sheekha waxaa xalay lagu dhex dilay hoygiisa oo ku yaala xaafadda Berdaale, gaar ahaan meel ku dhow Suuqa Xoolaha ee Magaalada Baydhabo.
Niman wejiyada soo duubtay oo lala xidhiidhinaayo Ururka Al Shabaab, ayaa waxay ugu daateen hoygiisa, iyadoo la soo sheegaayo in madaxa ay kaga toogteen.
Sheekh Aadan War-iisho oo 80 sano jir ahaa, ayaa waxaa si weyn looga tex-gelin jiray Gobolada Koonfureed, wuxuuna si weyn u garanaayay Axkaamta, iyadoo casharada ku saabsana uu ka bixin jiray Masaajida Magaalada Baydhabo.
Ciidamada Dowladda oo ka cadhooday tallaabada guracan ee lagu dilay Wadaadka, ayaa waxay saakay hawlgal ballaadhan ka sameeyeen xaafadda Berdaale, waxaana la soo sheegayaa in ay u soo qab qabteen tiro dad ah.
Saddexdii toddobaad ee la soo dhaafay waxaa Berdaale lagu dilay Shariif Sayid Cali Shariif Nuur, Sheekh Xuseen Xasan (Soor Ma-daare) iyo nin kaloo Oday Dhaqameed ahaa iyo wiil uu dhalay. Odayga waxaa la odhan jiray Maxamed Xasan Dhimbil, iyadoo wiilkiisana la odhan jiray C/casiis Maxamed Xasan.
Sheekh Aadan War-iisho wuxuu noqonayaa wadaadkii 3-aad oo lagu dilo Magaalada Baydhabo, muddo saddex toddobaad gudahood.
Berberanews.com, info@berberanews.com