“Aqbali mayno Xukuumaddu Markay dhulkii & Wershadihii Wareejisay inay Dekedda Qarankana” Jamaal C. Xuseen

Hargeysa(Berberanews):-Musharraxa u taagan Jagada Madaxweynaha Somaliland ee Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID Jamaal Cali Xuseen, ayaa sheegay inaanay waaax la aqbali karo ahayn in Xukuumadda Mdaxweyne Axmed-Siilaanyo markii ay dhulkii iyo dhismayaashii Qaranka dhammaysay inay maanta tidhaahdo waxaannu Ajaanib ku wareejinaynaa Dekedda caalamiga ah ee magaalada Berbera, isagoo xusay inay habboon tahay in Bulshada, Axsaabta Siyaasadda iyo Golayaasha Qaranka ka tela-galiso haddii baahi rasmi ahi keentay inay maamuli kari weyday oo ay wereejiso.

Jamaal Cali Xuseen oo maanta hadal ka jeediyey Munaasibad lagu qabtay magaalada Hargeysa, ayaa sheegay inaan loo baahnayn Wasiirrada Xukuumaddu dillaaliin dalka dhaxal-wareejinaya noqdaan, hase-yeeshee, loo baahan yahay in laga wada tashado waxa danta dalka iyo dadka Somaliland ku jirto ee lama dhaafaanka ah inta ay Wasiirradu kala boobayaan dillaalnimada Wareejinta Hantida dawladda, isagoo tilmaamay in ay Xukuumaddu hay’ado badan oo dawli ah Shirkado gaar loo leeyahay u gacan-gelisay, sida Wershadda Korontada Hargeysa iyo meelo kale oo la mid ah.

Warbixinta Warka Musharrax Jamaal Cali Xuseen kaga hadlay damaca wareejinta Dekedda Berbera iyo qodobbo kale-ba, waxaannu idiinku soo gudbinaynaa Muuqaalkan hoose ee Daawasho Wacan:-