Denmark:Khasaaraha ka dhashay weerar lagu qaaday Makhaayad ay ka socotay Xoriyatal-qawlka iyo Islaamka

Denmark-(Berberanews)-Nin hubeysnaa oo la socday gaadhi, ayaa weeraray maqaaxi ku taala Magaalada Copenhagen ee dalka Denmark.

Maqaaxida oo lagu magacaabo Krudttønden café, ayaa waxaa ka socotay dood uu ciwaankeedu ahaa xoriyatul qowlka iyo Islaamka. Waxaana ka qaybgalay Safiirka France u fadhiya dalka Denmark oo lagu magacaabo Francois Zimeray iyo Lars Vilks, oo ah farshaxamiiste u dhashay dalka Sweden.

Rasaas tiradeeda lagu sheegay ilaa 40 xabo, ayuu ninkaasi ku weeraray maqaaxida, waxaana la soo sheegayaa in hal ruux uu ku dhintay, iyadoo ay ku dhaawacmeen saddex askari oo ka tirsan yihiin Booliska Denmark.

Booliska Magaalada Copenhagen, ayaa markii hore Saxaafadda u sheegay in weerarkaasi ay geysteen ilaa laba nin oo gaadhi nooca raaxada ah ku baxsaday, waxayse kolkii dambe sheegeen in hal nin uu watay.Damaged glass is seen at the site of a shooting in Copenhagen Police presence is seen at the site of a shooting in Copenhagen Police presence is seen next to damaged glass at the site of a shooting in Copenhagen

Denmark waxay aaminsan tahay in weerarkaasi uu ahaa mid ka dhan ah ninka lagu magacaabo Lars Vilks, maadaama uu horey sawir gacmeyd kaga sameeyay Nabi Muxammed (NNKH), isagoo markaasi ku aflagaadeynaaya.

Lars Vilks, ayaa horey kaga badbaaday isku dayo la doonaayay in lagu qaarajiyo, inkastoo uu si dirqi leh kaga badbaaday.

Helle Thorning-Schmidt, oo ah haweeneyda Ra’iisal Wasaaraha ka ah wadanka Denmark, oo caawa Saxaafada la hadashay, ayaa waxay weerarkaasi ugu yeertay mid argagaxiso.

Boolisku waxay sheegayaan in ay wadaan baaritaano ay ku doonayaan inay ku soo qabtaan ninkii weerarkaasi geystay, oo weli aan si buuxdo loo aqoon cidda uu ka tirsan yahay.

Berberanew.com, info@berberanews.com