Nigeria: Ugu yaraan 10 qof oo ku dhintay weerar ay fulisay haweenay Nafteeda miinaysay+Sawiro

Muqdisho-(Berberanews)-Haweeney ku hubaysan jaakadaha ka sameysan walxaha qarxa, ayaa waxay maanta isku qarixsay goob basaska laga raaco, oo ku taala Magaalada Damaturu ee Gobolka Yobe, ee Waqooyi Bari Nigeria.

Ugu yaraan 10 ruux, ayaa waxaa la xaqiijiyay inay ku dhimatay weerarkaasi, iyadoo 30 kalana ay ka soo gareen dhaawacyo kala duwan. Dhaawacyada waxaa ku jira kuwa halis badan.

Goobjooge magaciisa ku sheegay Adamu Muhammad, ayaa wuxuu Reuters u sheegay in uu maqlay daryan aad u xoog badan, oo ka dhacay goobta gawaarida laga raaco, xilli mashquul uu ka jiray.

Cidina ma sheegan weerarkaasi ismiidaaminta ah, laakiin weerarada ceynkani oo kala ah waxaa looga bartay inay dalkaasi ka geystaan mintidiinta Boko Haram.4f70de7f f4259876 51997168

Saraakiisha Booliska ee Gobolka Yobe wax war ah kama aynaan soo saarin weerarka ismiidaaminta ah, ee Axada maanta ah ka dhacay boosteejada gaaadiidka laga raaco ee Magaalada Damaturu.

Sabtidii shalay waxaa horey loo iclaamiyay in doorasho madaxtinimada dalka Nigeria ka qabsoomi doonto dalkaasi, inkastoo dib loo dhigay toddobaadkii hore, markii ay soo shaac baxday in Boko Haram diyaarineyso weeraro waaweyn, oo dalkaasi ay ka fuliso xilliga doorashada.