Wasiir Xirsi oo markii u horraysay ka hadlay shirkadaha danaynaya maalgashiga Dekedda iyo Shuruudaha lagu kala xulanayo

Hargeysa-(Berberanews)-Wasiirka Madaxtooyada Somaliland Xirsi Cali Xaaji Xasan,ayaa markii u horraysya ka hadlay tiradaha shirkadaha danaynaya maalgashiga dekedda Berbera, shuruudaha ay xukuumaddu hordhigtay iyo arrimo kale.

Wasiir Xirsi oo waraysi siiyay laanta Afsoomaaliga ee Idaacadda BBC-da  waxa uu beeniyay warar sheegayay in Wasiiro Xukumadda ahi kala wataan Shirkaddaha danaynaya Dekedda Berbera islamarkaana isku khilaafsan yihiin Cidda lagu wareejin lahaa, waraysigaasina waxa uu u dhacay sidan.

Su’aal: Maxay yihiin Shuruudaha lagu kala dooranayo Shirkadaha danaynaya in ay Maalgashadaan Dekedda Berbera?

Jawaab: Shuruudaha aanu ku kala dooranayno Shirkadaha danaynaya in ay maalgashadaan dekadda Berbera waa ; Maxay dhaqaale galinayaan? Ganacsiga ay ka qabanayaan waa maxay? Maxay Macaamiisha ku soo jiidanayaan? Tayada ay ku dhisayaan intay gaadhsiisan tahay?” iyo awooda shirkadu dheertahay kuwa la tartamaya.xirsi1

Su’aal: Maxay tahay sababta dekeda Berbera loogu raadinayo maalgashiyo Caalami ah?

Jawaab: Si aynu u kasbano macaamilka dawladaha jaarka isla markaana kor uugu qaadno awooda dekeda Berbera Waxaanu doonaynaa inay Dekedda Berbera noqoto Deked Kuwa Adduunka oo kale ah,oo kuwa dunida la tartanta,sidaas darteed waxaanu eegaynaa cidda ay waafaqdo Qarankan dantiisu, ee wax la qaban karta ayaanu eegaynaa”

Su’aal: Waa kuwama gudida Madaxweynuhu u saaray arrimaha maalgashiga dekeda Bebera?

Jawaab: Waxaa jirta Gudi Madaxweynuhu u saaray oo Wasiiro kooban isla markaana aan ku jiro, kana mid yihiin; Wasiirka Arrimaha Debeda iyo Xidhiidhka Caalamiga ah , Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta Qaranka, Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud, Gadiidka iyo Guryeynta, Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Maalgashiga Caalamiga ah, Wasiirka Wasaaradda Macdanta iyo Tamarta iyo sidoo kale Mareeyaha Dekeda Berbera”

Su’aal: Maxay yihiin Hanaanka la marinayo tartanka shirkadaha danaynaya in ay maalgashadaan dekeda Berbera?

Jawaab: Dhamaanba shirkadaha soo gudbiya codsigooda, gudidan ayaa Eegaya,darsayana Shirkaddaha Noocaas ah, waxaana laga yaabaa in marka Shirkaddaha warkoodu soo ururo Qandaraas lagu bixiyo oo la baahiyo”

Su’aal: Imisa shirkadood ayaa si rasmi u soo gudbiyey in ay danaynayaan maalgelinta Dekedda Berbera?

Jawaab: Ilaa hadda waxaa si rasmi ah u soo gudbiyey in ay danaynayaan maalgelinta Dekedda Berbera afar shirkadood oo kala ah; “Shirkad Caan ah oo Dubai leedahay Dannaynteeda ayay muujisay oo waxay leedahay waanu doonaynaa, Bolore(Shirkad Faransiis ah) waa shirkad caan ah, iyaguna danayntooda ayay muujiyeen, Shirkad kale oo African ah oo Sucuudiga joogta iyaguna danayntooda ayay muujiyeen oo way doonayaan, Shirkad kale oo Kuwait leedahayna way doonaysaa Dekedda Berbera,Annaguna waxaas oo dhan waanu tartan siinaynaa waxaanu eegaynaa wixii Danta Qaranka loo arko

Su’aal: Ilaa hadda shirkad ku guulaysatay ma jirtaa?

Jawaab: Ilaa Hadda shirkad si rasmi ah ugu guulaysatay maalgalinta dekada Berbera ma jirto, waxaase weli socda u fiirsiga iyo daraasada shirkadaha soo dalbaday”

 

Berberanews.com

info@berberanews.com