Cammaan (Geeska)- Fikradda ah Dameerkii jacaylka oo ah qaab uu maalinta jacaylka adduunka u dabbaal degey nin u dhashay dalka Urdun ayaa keentay maadays iyo muran aan go’in. waxaana durbadiiba bilowday muran xiiso badan iyo dood xaraaraddeedu sarrayso oo dadkii u qaybiyey kuwo taageersan aadna u soo dhoweeyey fikradda ninkan iyo kuwa ka cadhaysan oo u arka in maalin iyaga qaali la’ ah uu ninkani ku dheeldheelayo. Haddaba Geeska Afrika waxa uu akhristayaashiisa qormadan kula wadaagayaa qisadan xiisaha badan iyo sida ay u dhacday.
Muwaadin u dhashay dalka Urdun ayaa rinji midabkiisu casaan yahay mariyey dameer, isla markaana ubax dhegaha ka geliyey dameerkan isaga oo sida uu sheegay ficilkan ku muujinaya sida uu u diiddan yahay u debbaal degista waa loogu yeedho ciidda jacaylka oo sannad kasta maalintii shalay (14 February) looga dabbaal dego dunida reer galbeedka iyo dalalka ay ku nool yihiin dadka dhaqankooda raacay.
Tallaabada uu qaaday Ramthawi Ayman waxaa aad ugu sacabbo tumay dad badan oo iyagu aragti ahaan diidan in maalintan lagu magacaabo ciidda jacaylka, dadkan qaarkood ayaana bilaabay in ay ninkan rinjiga la mariyaan dameerkan oo lagu xidhay jidka wadnaha u ah magaalada.
Ayman oo arrintan wax laga weydiiyey ayaa sheegay in markii hore aanu filayn in tallaabadiisani ay soo dhoweynta intan le’eg ka heli doonto muwaadiniinta kale, waxa aanu ku dooday in uu sidan u yeelay si uu dad badan oo sida uu sheegay lagu qalday maalinta Valentine Day-ga ee ciidda jacaylka uu ugu diro farriintiisa ah in aanay habboonayn qaadashada maalintan oo uu ku sheegay caado reer galbeed. Waxa aanu sheegay in sannadihii u dambeeyey oo dhan uu qaabkan ugu dabbaal degayey waxa loogu yeedho Ciidda jacaylka.
Goobta uu ninkani ku xidhay dameerkan midabka cas ku shaqlan oo u dhow kaalin shidaal oo uu leeyahay ayaa noqotay goob caan ah oo ay dad badani ku tilmaam qaataan. Waxaana lagu garan og yahay dameerkii jacaylka. In kasta oo ay dad badani fikraddan ku qosleen soona dhoweeyeen haddana waxa jira koox kale oo dhalinyaro u badan oo u arka in uu ninkani xaqiraad iyo ceebayn kula kacay jacaylka iyo ciiddiisa, waxa ay dadka naqdinaya ninkani ku andacoodeen in qaabka dameerka uu ula dhaqmay tahay si arxan darro ah iyo in dhaqankani guud ahaanba yahay mid badawnimo ah oo aan la jaan qaadi Karin xadaaradda dunida maanta. Laakiin Ayman ayaa isagu u arka in sidan uu u naqdiyey jacaylka isaga oo aan rabshad samayn cidna la hadlini ay tahay si xaddaari ah oo muujinaysa in aanay badawnimo haynin ee uu keliya firkaddiisa dhaqannada reer galbeed nacaybka ah ku soo bandhigay si silmi ah.