Muqdisho-(Berberanews)-Ururka Al Shabaab, ayaa sheegtay masuuliyadda afar ka mid ah Shaqaalaha Waaxda Socdaalka Somaiya, oo galabta lagu dilay Isgoyska KM4 ee Magaalada Muqdisho.
Xilli ay ka soo baxeen Garoonka Aadan Cadde, ayaa gaarigii ay la socdeen waxaa gaari kale loogu horgooyay Isgoyska KM4, iyadoona rasaasta nool nool oodda looga qaaday.
Idaacada Andalus oo ku hadasha afka Ururka Al Shabaab, ayaa waxay baahisay in mintidiinta Al Shabaab ay weerar abaabulan ka fuliyeen Isgoyska KM4, ayna ku beegsadeen waxa ay ugu yeertay cadowga.
Andalus waxay baahisay qoraal kooban oo laga soo saaray Xafiiska Warbaahinta ee Ururka Al Shabaab, iyadoo ay qoraalkaasi si rasmi ah ugu sheegteen inay iyagu ka dambeeyeen weerarkaasi.
Qoraalka waxaa kaloo lagu sheegay inay xagjiriinta sii wadi doonaan beegsiga ka dhanka ah Shaqaalaha Hay’adaha Dowladda Federalka Somaliya.
Shalay, ayay ahayd markii Magaalada Muqdisho lagu dilay Sarkaal ka tirsanaa Wasaaradda Qorshaynta iyo Xiriirka Caalamiga ah ee Somaliya, waxaana lagu magacaabi jiray Yuusuf Maxamed Siyaad. Shabaabka ayaana sheegtay masuuliyadda dilkiisa.
Shabaabku waxay shalay ku cago jugleeyeen inay sii wadi doonaan dilalka ka dhanka ah Saraakiisha Dowladda Somaliya, waxaadse mooddaa in Dowladdu ay is dhigatay, oo aynaan muujin wax feejignaan ah.