Tripoli-(Berberanews)-Masar ayaa sheegtay in diyaarado ay ku weerartay Libya, kadib markii Malleeshiyo ka tirsan Kooxda ISIS ama Daacish ay Madaxa ka gooyeen Masaari Kiristiyaan Kobtik ah (Qibdiyiin), kuwaasoo ay si fool-xun ugu gawraceen Xeebaha dalka Liibiya Axaddii shalay.
Millateriga dawladda Masar, ayaa sheegay in diyaaradaha F16 ay weerar subaxnimo ku beegsadeen xarumaha Daacish, meelaha ay ku tababartaan, iyo meelaha ay hubka ku kaydsadaan. Madaxwaynaha Masar Cabdifataax Al-Casisi, ayaa ku hanjabay aargudasho kadib markii mintidiinta Libya ay madaxa ka gooyeen Masaari Kiristaan Kobtik ah.
Afhayeenka Ra’iisalwasaaraha Libya, ayaa Isniintii maanta sheegay in siddeed weerar diyaaradeed oo lagu qaaday magaalada Derna ee dalka Liibiya ay dowladda Libya ka qayb qaadatay, kuwaasoo ay qayb ka ahaayeen weerarrada ay Millateriga Masar ku qaadeen halkaas.
Madaxwaynaha Masar Cabdalfataax Al-Casisi, ayaa sheegay in waddankiisu uu xaq u leeyahay in uu ka aarguto wakhtiga iyo goobta uu doorto, arrintaasina waxa ay dabo socotaa ka dib markii Malleeshiyada ka tirsan Daacish ee Libiya ay ku dishay Xeebaha Liibiya koox Qibdiyiin Kiristaana oo Masaari ah.
Muuqaal ay soo saareen Daacish ama ISIS, ayaa muujinaya iyaga oo si wadar ah madaxa uga jaraya 21 qof, kuwaasoo dhawaan laga afduubtay magaalada Xeebta ku taala ee Sirta ee dalka Libiya, halkaasoo la sheegay inay shaqo-teg u tageen wakhtigaas la afduubay.
Madaxwaynaha Masar waxa uu khudbad u jeediyay Qarankiisa, ka dib markii uu ku dhawaaqay toddobo maalmood oo Baroordiiq ah. Cabdalfatax Al-Sisi waxa uu sheegay in Masar iyo caalamkuba dagaal khadhaahdh kula jiraan argagixisada. Balse muu sheegin sida uu dalkiisu uga jawaabi doono dil wadareedkaas argagaxa lahaa. Hase-yeeshee, waxa uu sheegay in ay go’aansan doonaan wakhtiga iyo goobta ay uga aargutaan Daacish.
Dilkaasi waxaa laga duubay Kamarad Fiidyoow ah. Muuqaalkaas oo shan daqiiqo ahaana niman xoogaa ah oo dhar isu eeg ama Dirays Madaw oo kuwa Daacish xidhato ah ku labbisan, 21ka Nin ee Qibdiyiinta Kiristaanka ah ee reer Masar oo ay Dhawr Liimiya u xudheen Safay Xeebta dacalkeeda, waxaana qofkasta la socday nin ka mid ah Mallayshiyada oo wejiga soo dabooshay Seefna ama Middi iyo Qori sita, waxaanay Jilba-joojiyeen Xeebta dacalkeeda, halkaas oo ay hal-mar ku wada jiifiyeen Soodhadhka ay dhuunta kaga hayeen.
Ehellada dadkan ayaa hore u dalbaday badbaainta Carruurtooda, kuwaasoo inta badan laga afduubtay Liibiya oo ay ka shaqaysanayeen. Qoraal ku dul qornaa muuqaalka ayaa caddeeyay sababta loo dilay waxaana lagu sheegay in loo bartilmaameedsaday Diintooda.
Madaxwayne Al-Sisi waxa uu hore u sheegay in Mallayshiyaadka Liibiya aanay halis ku ahayn Masar oo keli ah, balse ay sidoo kale halis ku tahay Bariga dhexe oo dhan. Masar waxa ay taakulo u fidisay dadkii ka baxsaday Liibiya ee dawladda ka mid ahaan jiray iyo Ciidammadaba.
Hoggaamiyaha Masar hadda waxaa saaran culays ah in uu si wayn uga jawaabo arrintaasi. Intii aanu jabin Madaxweynihii dalka Liibiya Mucamar Qadaafi, Liibiya waxa ay caan ku ahayd in dadka Masaarida ah ay shaqo u doontaan waddankaas.
Laakiin tiradu waa ay sii yaraanaysay tan iyo markii uu dalkaasi dhaxlay dagaallada, balse, dad reer Masar ah, ayaa wali kusii hadhay Liibiya iyaga oo halista ka door-biday saboolnimada waddankooda ku haysta, waana markii ugu horreysay ee dad reer Masar ah Diinta ay doonaan ha haystaane sidan oo kale loogu galo gudaha dalka Liibiya.