Maxkamadda Ciidammadda Puntland oo xukunno dil ah ku riday rag lagu eedeeyay Al-shabaab

Garowe-(Berberanews)-Maxkamadda Ciidamada Puntland, ayaa waxay u fadhiisatay dhageysiga dacwad ciqaabeedka sideed nin, oo lagu helay inay qaarkood ka tirsan yihiin Ururka Al Shabaab, halka qaarka kalana lagu helay inay fududeynayeen amni darada deegaanada Puntland.

Maxkamadda, ayaa xukun dil ah waxay ku riday afar ka mid ah raggii Shabaabnimada ku eedeysnaa, ka dib markii Maxkamaddu ku eedeysay inay u soo bareereen qal-qal gelinta xasiloonida Punntland.

Ragga dilka lagu xukumay waxaa magacyadoodu lagu kala sheegay

Ismaaciil Cabdulqaadir Jimcaale Cali (Rabiile), ina Madiina Cabdulaahi, 20 jir ah.

 

Maxamed Cabdi Axmed Olol, ina Tiriig Maxamed, 23jir ah.

Xaajow Shiikh Nuur Cumar, ina Maleeka Shaandhey, 21 jir ah.

Xasan Xuseen Cabdi, ina Farxiyo Xasan, 23 jir ah.

Maxkamadda, ayaa sidoo kale xukuno xabsi daa’in iyo xabsi u dhaxeeya 10 ilaa 15 sano, ay ku riday afartii nin ee kale, waxaana iyana lagu kala magacaabaa

 

Aadan Maxamed Yuusuf.

Cabdixakiim Maxamed Ciise

Cabdirisaaq Shariif Cumar.

Maxamed Cabdullaahi Axmed.

Xeer Ilaaliyaha Maxkamadda Ciidamada Puntland C/kariin Xasan Firdhiye, ayaa ku dhawaaqay xukunada kala duwan ee raggaasi lagu riday.

 

Berberanews.com, Garoowe

info@berberanews.com