.Waxaan arkayey Masuuliyiin leh faraha Dhiig halla daro…” Saleebaan Ismaaciil Bullaale (Saleebaan-Xuquuq)

Hargeysa(Berberanews):- Guddoomiyaha Difaacayaash Xuquuqda Aadamaha Somaliland Saleebaan Ismaaciil Bullaale (Saleebaan-Xuquuq), ayaa ka digay Qarax siyaasadeed oo ka dhaca Somaliland wakhtiga kala guurka dhammaadka Muddo-xileedka Madaxweynaha iyo Madaxweyne Ku-xigeenka oo ku eg 26 June 2015-ka, isagoo intaas ku daray inaanay wakhtigan muuqan jewi suuragelin kara in doorashado wakhtigeeda ku qabsoonto. Sidaa awgeedna loo baahan yahay in talo Qaran si dhaqso ah looga yeesho.

Saleebaan-Xuquuq oo maanta Shir Jaraa’id ku qabtay magaalada Hargeysa, waxa uu sheegay in Masuuliyiinta Golayaasha Qaranka qaarkood dalka ka wadaan fawdo, isaga oo si cad u eedeeyey Mudanayaal ka tirsan Golaha Wakiillada Somaliland, kuwaasoo uu ku tilmaamay kuwa curdin-dhadhiyey dimuquraadiyadda Somaliland ka hana-qaadday sida uu hadalka u dhigay.

Shirkan Jaraa’id ee uu Saleebaan-Xuquuq ku qabtay magaalada Hargeysa oo uu sidoo kale kaga hadlay Xukunka iyo xadhigga deg-degga ah ee Wasaaradda arrimaha guduhu ku hayso dhalinyarada iyo qodobbo kale, waxaannu idiinku soo gudbinaynaa Muuqaalkan hoose ee Daawasho Habboon:-