Debaltseve-(Berberanews)-Xoogaga mucaaradka ee Ruushku uu taageero, ayaa gudaha u galay Magaalada Debaltseve ee Bariga Ukraine, ka dib dagaalo maalmo qaatay uu ku dhex maray Ciidanka Militariga Ukraine.
Xoogaga Mucaaradka, ayaa waxaa si guud loogu arkayaa gebi ahaanba Magaalada Debaltseve, marka laga soo taggo wadooyin yar yar oo laga maqlaayo rasaas u muuqato mid leys weydaarsanaayo.
Madaxtooyada Ukraine, ayaa waxay xaqiijisay in 90% ay Xoogaga mucaaradku la wareegeen gacan ku haynta Debaltseve, laakiin ay goobaha qaar weli ka dagaalamayaan Militarigooda.
Afhayeen u hadlay mucaaradka, ayaa wuxuu sheegay inay si buuxdo ula wareegeen gacan ku haynta Debaltseve, markii ay jiidheen Ciidankii Militariga Ukraine, ee ka dagaalamaayay.
Mucaaradka, ayaa waxay gacanta ku dhigeen unugyo ka tirsan Militariga Ukraine, xilli ay hareereeyeen goobihii ay ka dagaalamayeen.
Wariye ka tirsan BBC-da oo ku sugan duleedka Magaalada Debaltseve, ayaa waxa uu tani ku macneeyay mid muujineyso fashilka ku yimid, xabad joojin dhaqangashay saqdii dhexe ee habeenimada Sabtida.
Ruushka ayaa waxa uu hadana iska fogeyaa in wax taageero ah uu siiyo mucaaradka.
Berberanews.com, info@berberanews.com