Shir lagaga hadlayo argagaxisada oo ka furmay Magaalada Washington

Washington –(Berberanews)-Magaalada Washington ee Xarunta Mareykanka, ayaa waxaa ka furmay shirweyne ballaaran oo socon doono muddo saddex maalmood ah, iyadoo ay ka qaybgalayaan in ka badan 60 dal.

Shirkaan, ayaa ka dambeeyay weeraradii dhawaanahaan ka kala dhacay dalalka Australia, Faransiiska iyo Denmark, oo dhammaand lagu sheegay kuwo argagaxiso inay yihiin.

Madaxweyne Ku Xigeenka Mareykanka Joe Biden, ayaa furay shirkaasi, sidoo kale waxaa lagu lafa-guri doonaa kororka Xoogaga Daacish, oo dunidu ay walaac xoog leh ka muujineyso.

Warbaahinta Reer Galbeedka, ayaa baahisay in dhinacyada shirka kaga qaybgalaaya Magaalada Washington, ay isla jeex jeexi doonaan sida looga hortaggi karo afkaarta la xiriirta xagjirnimada.

Dalalka shirka kaga qaybgalaaya Washignton, ayaa wadaagaaya macluumaadka la xiriira xagjirnimada iyo sidii khatarahooda loo fashilin lahaa.

Khuburada amniga, ayaa rumeysan in Daacish ay tahay midda ugu xoogan Ururada Islaamiga ah ee dunida soo maray, muddo tobonaan sano ah.

150218105135_bidenmu_512x288_bbc_nocredit