Barack Obama “Waxaan dagaal kula jirnaa kuwa sida khaldan u adeegsanaaya Islaamka”

Hargeysa-(Berberanews)-Madaxweynaha Mareykanka Barack Obama, ayaa waxa uu ku celiyay in Dowladdiisu aynaan wax dagaal ah kula jirin Ummada Muslimiinta, laakiin ay dagaalka kula jiraan waxa uu ugu yeeray kuwa sida khaldan u adeegsanaaya Islaamka.

Madaxweynaha waxa uu yiri “Anagu dagaal kulama jirno Islaamka, ee waxaan dagaal kula jirnaa kuwa sida khaldan u adeegsanaaya Islaamka.”

Isagoo ka hadlaayay shir argagaxisada iyo xagjirnimada looga hadlaayo oo ka soconaayo Magaalada Washington, ayaa waxa uu ka sheegay in Mareykanku uu si adag ula dagaalami doono, kuwa khaldaaya Sharciga Islaamka.Obama

Waxa uu caalamka uu ugu yeeray in laga wada hortaggo fikradaha khaldan ee Islaamka looga been abuuranaayo, si aan loogu dhalan rogin dhalinta soo koreysa.

“Caalamka waxaa laga rabaa in uu ka hor taggo mabaadii’da khaldan ee Islaamka loo adeegsanaayo, iyadoo lagu khaldaayo dhalinta.” Ayuu yiri Madaxweynaha Mareykanka.

Shirka ka soconaayo Washington, ayaa ka dambeeyay weeraradii dhawaanahaan ka kala dhacay dalalka Australia, Faransiiska iyo Denmark, oo dhammaand lagu sheegay kuwo argagaxiso inay yihiin.

Berberanews.com, info@berberanews.com