Bbc-(Berberanews)-Diyaaradaha dagaal Britain ayaa si deg deg ah u kacay kadib markii labo diyaaradaha wax duqeeya ee Russia lagu arkay meel wax yar u jirto xeebta Cornwall ee koonfur galbeed England.
Wasaaradda difaaca ee London ayaa sheegtay in diyaaradaha ay wehliyeen kuwa Russia, ilaa iyo inta ay ka baxayeen hawada Britain.
Dhacdadan ayaa timid kadib markii wasiirka difaaca, Micheal Fallon, uu ka digay khatarta muuqata ee madaxweynaha Russia, Vladimir Putin, ku yahay sadexda dal ee la isku yiraahdo Baltic-ga oo kala ah Estonia, Latvia iyo Lithuania.
Dalalkaasi oo Nato ka tirsan ayuu wariyaya BBC-da sheegayaa in hadalka Fallon uu muujinaya walaaca sii kordhaya ee dalalka Nato ee ku saabsan ujeedka Russia kaddib xiisadda bariga Ukraine.
Washington –(Berberanews)-Magaalada Washington ee Xarunta Mareykanka, ayaa waxaa ka furmay shirweyne ballaaran oo socon doono muddo saddex maalmood ah, iyadoo ay ka qaybgalayaan in ka badan 60 dal.
Berberanews.com, info@berberanews.com