Madaxbannaanida odhaahdu-ma in col loo baaqaa? w/q: Xassan Cumar Hoorri

Hargeysa-(Berberanews)-Waxaa ay ahayd masuuliyad xumo, kolkii warsidaha Charlie Hebdo uu gaas ku sii qabtay ololka. Malaha, kas xumo ayaa sababtay warsidahu in uu dhaafsado 1.7 bilyan Muslim ah malaayiin lacag ah iyo daqiiqado uu hadheeyo warbaahinta caalamka. Cadadkaa, warsidahu, waxaa uu soo saaray in ka badan 7 malyuun oo nuqul isagoo hore u daabici jiray tiro aan ka badnayn 40,000 ilaa 60,000.

Ayaan-darro, tifaftirahu ma uu dareemin tirada uu daabacay tiro la mid ah in uu u baaqay colaad ku soo booqata xafiiskiisa. Haddaba, isweydiintu waxaa ay tahay, “maxaa ku kelifay tifaftiraha inuu xafiiskiisa ugu baaqo dad mayal adag oo u haliila belada?”

Su’aasha ma aha mid uu ka garaabay Gerard Biard, tifaftiraha cusub ee warsidaha Charlie Hebdo. Balse waxaa uu sii hibanayay wargeysyada reer galbeed ee ka baaqsaday in ay sii daabacaan  sawir-gacmeed uu ku aflagaadeeyay Rasuulka Allah (NNKHA).Hoori

Waxaa ay ahayd 7dii January markii dil lagu galaalufay xafiiska Charlie Hebdo, caasimadda dalka Faransiiska, Paris. Weerarka oo ay ku qudhbaxeen 12 qof waxaa loo aaneeyay gef la mid ah kan uu tifaftirahu haddaba faraha ku la jiro!

Tifaftirahu wareysi uu siiyay telifishanka NBC waxaa uu ku difaacay sawir-gacmeedka godobta huwan isagoo ku sheegay inuu yahay, “astaanta madax-bannanida saxaafadda, dimuqraadiyadda iyo xadhig ka furashada diimaha (secularism)”. Isla markaa, waxaa uu eedeeyay “kuwa diiday in ay sii daabacaan sawir-gacmeedka oo uu ku sheegay inay ka gaabiyeen dimuqraadiyadda”.

Haddaba si aan u burinno hadalada gurracan ee tifaftiraha, waxaan cajaladda dib u celin doonnaa muddo saddex sannadood ah.

Amintu waxaa ay tahay 2dii November 2011. Goobtu waxay ahayd xaruntii warsidaha Charlie Hebdo. Waxaa  sii holcayay ololka ka dhashay qarax culus oo lala beegsaday xarunta. Isla markaa, waxaa la fadhataystay degelkii warsidahu uu ku lahaa shebakadda internet-ka. Qaraxa waxaa loo aaneeyay in uu la xidhiidho cadadkii ugu danbeeyay (xilligaa) ee warsidaha kaasoo cinwaan looga dhigay “Charia Hebdo”, ama (shariicadda Hebdo). Tifaftiraha cadadka waxaa lagu suureeyay sawir-gacmeed ay ku sheegeen Muxammad.  Haddaba, waxaan soo xiganayaa faallo uu dhacdadan ku falanqeeyay Bruce Crumley, madaxii xafiis goboleedka Paris ee wargeyska Time ee magaca weyn. Faalladada waxaa qorahu cinwaan uga dhigay, “Warsidaha la Qarxiyay Ma aha Mid U Godoboobay Madax-bannanida Saxaafdda”.  Qoraagu isagoo u quus goynaya kuwa caadaystay in ay madax-bannaanida ugu dugaalaan xumaha, waxaa uu iftiimiyay, ” madax-bannaanida aragtidu waxaa ay mudan tahay in laga difaaco kuwa cabudhiya; Hase yeeshee, waxaa liidnimo ah in madax-bannaanida  gabbood looga dhigto gardarro lagu duudsiyo xaqa. Ma aha wax kasta in aad u samayso adigoo u sababaynaya in aad yeeli karto oo keliya.” Qoraagu waxaa uu ka digay in madax-bannaanida lagu jidaysto daandaansi dad xagjir ah weliba iyadoo si badheedh ah loogu gefayo malaayiin kale oo qunyar socod ah.

Qoraagu waxaa uu intaa ku ladhay, “qaraxa lala beegsaday xarunta Charlie Hebdo waxa uu ahaa wax laga yaxyaxo, arrin aan la aqbali karin, gabbood-fal mudan in la canbaareeyo iyo in uu ahaa mid sharci-darro ah”.

Hase ahaatee, qoraagu waxaa uu qormadiisa ku soo gunaanaday in ay siman yahiin qallinka iyo qoriga argagaxiso, waxaana uu yidhi, “dhammaan tilmaamaha qallafsan ee  argagaxisada shilkan fulisay waxaa la wadaaga warsidaha marka aad ka eegto waxii ku qornaa cadadkiisii danbe.”

Falanqaynta Bruce Crumley ee biyo kama dhibcaanka ah dadku u ma wada bogin. Durba waxaa qalinka ka daba qaatay duul u darban duudsiga iyo in ay u hiiliyaan gardarrada. Waxaa Crumley lagu eedeeyay in uu duray warsidaha Charlie Hebdo oo ay ku sheegeen inuu ahaa dhibbane. Sidaa darteed, qormo duur-xul ah oo uu cinwaan uga dhigay “Qarax Lala Beegsaday Madax-bannaanida Saxaafadda” ayaa Mollie Hemingway ku qoray, “haddii in uun ay damiir leeyahiin, madaxda warsidaha Time, waxaa ay ahayd mar hore in ay shaqada ka eryaan Crumley.” Ma waxaa ay rabeen in loo eryo xirfaddiisa sare, anshaxa, geesinimada iyo hufnaanta uu muujiyay?

Crumley in uu toosnaa, dhowaan, waxaa aragtidiisa mid la mid ah qaatay Wadaadka Diinta Masiixa, Pope Francis markii uu qiray in ay gef tahay carshocarsheynta iyo afxumaynta  caqiido kasta. Waxaa uu sheegay afxumadu in ay keeni karto in laga dhiidhiyo iyo weerar-celin.

Wadaadku mar uu bishii hore u socdaalayay dalka Philippines, waxaa uu tibaaxay madax-bannaanida erayga in lagu dabro xad aan laga tallaabi karin, “qofna ma aha inuu maago ama aflagaadeeyo diinta dad kale, caqiidaduna ma aha wax la dheyalsan karoo,” ayuu sheegay Pope Francis.

Durba, isagoo is difaacaya ayaa tifaftiraha Charlie Hebdo si darjeex ah ugu warceliyay Pope Fracis. Waxaana uu ku garnaqsaday, sawir-gacmeedka uu soo bandhigay in uu u taagan yahay “madax-bannaanida diinta” iyo “madax-bannaanida erayga”.

Aragtida liidata ee Gerard Biard waxaa ay garab ka haysataa madaxda reer Galbeed tasoo laga garan karo sida uu ugu soo gurmaday Ra’iisal-wasaaraha Britain, David Cameron si uu u duro Bayaankii Wadaadka Pope Francis. Cameron waxaa uu ku dooday, “bulsho kasta oo ku dhaqanta xornimada erayga in ay xaq u leedahay duridda diimaha.”  Isagoo la kulmay telifishanka CBS, Ra’iisal-wasaare Cameron waxaa uu sheegtay in uu yahay qof aaminsan diinta Masiixiga, balse waxaa uu qiray in aanu u damqanayn diintiisa.  “Qof haddii uu ku tiraabo odhaah lagu weerarayo Nebi Ciise, waxaa suurta-gal ah in aan ka xumaado, hase ahaatee bulshadeennu waa xor, waxaana reebban qofka in looga aar-goosto inuu cabbiro ra’yigiisa,” ayuu ku tiraabay Cameron. Dhaqanka uu sheegay Ra’iisal-wasaarahu ma aha mid ka jira qaaradda Yurub. Odhaahdiisa dhagaraysan waxaa lagu burin karaa 2009ki  Tallaabada xukuumadda Faransiisku ay ka qaaday isla warsidaha Charlie Herdo. Waagaa Farshaxanka Maurice Sinet ayaa warsidaha ku daabacay sawir-gacmeed uu ku duray reer bani-Israa’iil. Sidaa darteed, waxaa uu ku mutaystay inuu ku seego shaqadii iyo in warsidaha la ganaaxo lacag dhan 40,000 Euros. Weliba Sinet waxaa loogu hanjabay dil sida lagu daabcay degel ay maamulaan Naadiga Difaaca Yuhuudda.

Iska daa in loo gefo diinta, run ahaantii, dalka Faransiiska waxaa denbi ah haddii la dafiro xasuuqii Yuhhuudda (holocaust) taasoo ganaaxeeddu dhan yahay $60,000. Halka ay ka bannaan tahay sidii la rabo in loogu talax-tago Islaamka, Muslimka iyo Anbiyada.

Sannad ka hor, waxgarad u ololeeya Islaamka ayaa gal dacwadeed ka furtay maxkammadda Alsace-Moselle. Maxkamaddu mar hore waxaa ay xukuntay dacwado lid ku ahaa diimaha sida Masiixiga iyo Yuhuudda. Dacwaddanna waxaa lagu soo oogay warsidaha Charlie Hebdo oo xilligaa si xun loogu gefay kitaabka Quraanka,

Haddaba, go’aanku intii aanu ka soo bixin maxkamadda waxaa sii tiraabay tifaftirahii warsidaha, Stephane Charbonnier, isagoo ku baanay, “waan hubaa dacwaddu in aanay jabi doonto sababtoo ah Islaamku wax saamayn ah ku ma uu lahaa xeerka dalkan.” Sidii uu sii odorosay ayaa xukunku u dhacay waxaana oodda laga qaaday tifaftirahii iyo warsidahii, labadaba. Inkastoo uu ka badbaaday xukunkii maxkamadda, tifaftiraha waxaa ku dhacay xukun kale oo aanu filanayn. Waxaana uu ku dhintay gacanta walaalaha Siciid iyo Shariif Kouachi, kuwaa oo 7ii  January weerar argagax badan ku ekeeyay xaruntii warsidaha. Halkaa waxaa ku qudh-baxay 12 qof oo uu ka mid ahaa tifaftirahu.

Ugu danbayntii, dalka Faransiiska, kama jiro sharci si toos ah loogu xakameeyo ku tacadiga diimaha. Hase ahaatee, “fal kasta oo dhibbanaha u horseedi kara gabbood-fal” waxaa loo adeegsan karaa (Qod. 23) ee Xeerka Ciqaabta. Ciddii u badheedha denbiyo lid ku ah dadnimada waxaa lagu abaal-marin karaa (Qod. 24). Sidoo kale, ku tallaabsiga falal nacayb oo ku salysan diin, jinsiyad, hayb, koox iyo qoomiyad, iyagana waxaa lagu xukuntami karaa (Qod. 32).

Si kastaba ha ahaatee, sharciga dalku ma aha mid xurmeeya diinta iyo dhaqanka shanta malyuun ee Muslimka Faransiiska ah. Dhanka kale, haweenka xijaaban haddii lagu arko meel ka baxsan hoygooda waxaa sharcigu dhigayaa in la xidho, la ganaaxo lacag dhan 200 Dollar iyo in shaqo adag loogu diro goobaha adeegyada bulsho. Muranka diimeed muddo dheer ayuu ka aloosnaa dunida hore u martay dhexdeeda. Haddaba isweydiintu waxaa ay tahay, “waa maxay aragtida xornimo ee jidaysay in loo gefo ilaa 2 bilyan oo Muslim ah?” Waa maxay damiirka sidaa oggol? Ma ilbaxnimaa? Mise waa gardarro cad iyo aabi loo badheedhay si dagaal looga dhex oogo labada dhaqan?

Xassan Cumar Hoorri,

Agaasimaha Guud ee Komishanka Maamul-Wanaagga & La Dagaalanka Musuqa, Hargeysa, Somalialand waa qoraa falnqeeya waayaha Afrika iyo Bariga Dhexe.

Kala xidhiidh: hassanhorri@gmail.com

 horri@somalilandsun.org

 @horrimania (Twitter).