Hargeysa(Berberanews)Xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani ayaa ku dhawaaqay Mawqifkiisa ku aadan Doorashooyinka Baarlamaaka iyo Madaxweynaha ee 26-ka June 2015-ka.
Xisbiga Mucaaridka ah ah ee Waddani oo Xaflad uu arintan kagaga dhawaaqayey ku qabtay Hotelka Maansoor ee Hargeysay ayaa ka waramay Marxaladihii loo soo maray Diyaar garawga iyo wixii lagu Heshiiyey.
Gudoomiyaha Xisbiga Wadani oo Munaaasibaasi Khudbad dheer ka jeediyey ayaa ka Xukuumada iyo Gulaha Guurtida ugu Baaqay inay ka waan toobaan Mudo kordhin, waxa kale oo Beesha Caalamka iyo Daneeyayaasha ugu baaqeen inay Xukuumada kala Xisaabtamaan dibu dhac ku yimaada Doorashooyinka Baarlamaanka iyo Madaxweyne.
Gudoomiyaha Wadani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Ciro waxa uu soo jeediyey in Hadii Doorashadu waqtigeeda u dhici waydo la kala diro Xukuumada iyo Baarlmaanka oo la dhiso Xukuumad ku meel gaadh ah oo Xilkeedu yahay in ay Dalka Gaadh siiso Doorasho Xor oo Xalaal ah, waxaanu Bulshada reer Somaliland ugu baaqay inay Doorasho u diyaar garoobaan.
Gudoomiyuhu wax kale oo uu ka hadlay Khayraadka Dabiiciga ah sida shidaalka iyo wixii la halmaala oo uu tilmaamay in laga horeysiiyo Shuruucdii lagu maamuli lahaa, isagoo Carabka ku dhuftay in ay Xukuumadu Xaraashtay Hantidii Maguurtada ahayd.