Muqdisho-(Berberanews)- Ilaa 10 qof ayaa la sheegayaa in ay ku dhinteen labo qarax oo maanta barqadii ka dhacay hotel ku yaal badhtamaha magaalada Muqdisho.
Laba qarax oo waaweyn, ayaa xilliga Salaadda Jimcaha laga maqlay Magaalada Muqdisho, iyadoo qaraxyadu ahaayeen kuwo mataano ah oo daqiiqado yar uun, ay u dhaxeysay.
Qaraxa 1-aad, ayaa wuxuu ka dhacay goob gawaafhida la dhigto oo Hotelka Nasa Hablood II uu lee yahay, waxaana uu qaraxaasi dhacay xilli Salaadda Jimcaha lagu tukanaayay, Masaajid ku dhex yaala Hotelkaasi.
Masaajidkaasi waxaa Salaadda Jimcaha ku tukanaayay masuuliyiin ka tirsan Dowladda Somaliya, oo kala degan Hoteelada Central iyo Nasa Hablood 2. Qaraxaasi hore waxa uu sababay khasaaraha kan ugu badan.
Qaraxa labaad, ayaa la soo sheegayaa in uu ka dhacay wado u dhaxeyso Hoteelada la weeraray. Ugu yaraan 15 ruux, ayaa la xaqiijiyay in qaraxyadaasi ku dhinteen, halka tiro kalana ay ku dhaawacantay.
Dadka qaraxyadaasi ku dhintay, ayaa waxaa laga tilmaami karaa Xildhibaan Cumar Cali Nuur (Furdug), Gudoomiye Ku Xigeenkii Dhinaca Siyaasadda ee Maamulkii hore ee Gobolka Banaadir Maxamed Aadan Guuleed (Caano-geel) iyo kuwo kale oo la soo sheegaayo in qaraxyadaasi ku dhinteen, walow aan wax cadeymo ah loo haynin.
Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka Cali Jaamac Jingeli, ayaa waxaa la sheegay in weerarkaasi uu ku dhaawacmay. Xildhibaan C/qaadir Cumar Cali iyo Siyaasiga Salaad Cali Jeele, waxaa iyana la soo sheegayaa in qaraxyadaasi ay ku dhaawacmeen.
Warar aan la cadayn ayaa sheegaya in xilligii ay qaraxyadu dhacayeen, in halkaasi uu ku sugnaa Ku Simaha ahna Ra’iisal Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Somaliya Maxamed Cumar Carte.
Ciidan fara badan oo ka tirsan Militariga, Nabad Suggida iyo Booliska, ayaa waxay xireen wadooyinka soo gala Hoteelada Central iyo Nasa Hablood II. Waxayna ka wadaan baadhitaano ka dhan ah ciddii weerarka geysatay.