Muqdisho-(Berberanews)-Wararkii ugu danbeeyay ee kasoo baxaya qaraxyadii ka dhacay hotelka Central ee magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in dhimasho iyo dhaawac fara badan uu ka dhashay qaraxaasi, waxayna dhimashadu hadda sare u dhaaftay 22 ruux iyadoo dhaawacyadu ka badan yihiin intaasi.
Weerarkaasi oo lagu soo beegay xilligii salaada Jimce lagu jiray ayaa waxaa ka danbeeyay baabuur waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay oo gudaha hotelka ku sugnaa iyo is miidaamiyeyaal jaakado qarxa xiran oo hotelka galay, waxaana waxyeelo gaaray mas’uuliyiinta dowladda oo ay ku jiraan Xildhibaanno iyo saraakiil kala duwan.
Waxaa ka badbaaday qaraxa oo si degeg looga kaxeeyay hotelka Ra’iisal wasaare ku xigeenka Maxamed Cumar Carte, waxaa kaloo ka badbaaday Wasiiro ka tirsa xukuumadda iyadoo dadka dhintay iyo kuwa dhaawacmay ay ka mid yihiin mas’uliyiin:
DHIMASHO
- Maxamed Aadan Guuleed (Caanageel) guddoomiye ku xigenkii Gobolka Banaadir
- Xildhibaan Cumar Cali Nuur (Furdug )
- Xildhibaan Maxamud Ducaale Muuse (Xaaji Kafee)
- C/shakuur Mire Aadan (Guddoomiye ku xigeenkii Xisbiga Daljir-Qoraa)
- Cabdi Khaliif Baadiyow (La-taliyaha Ra’iisal wasare ku xigeen)
- Maxamed Cilmi (masuul ka tirsan Xafiiska Ra’iisal wasaaraha)
DHAAWAC
- Wasiirka Dekaddaha Nuur Faarax Xersi
- Xildhibaan C/qaadir Cali Cumar
- Wasiir hore C/raxmaan Maxamed Bangax
- Maxamuud Axmed Guddoomiyihii Degmada Balcad
- R/wasaare K/xigeenka Soomaaliya Maxamed Cumar Carte (Dhaawac fudud -firir yar oo lugaha ah)
- Salaad Cali Jeelle (Dhaawac fudud -jug)
- Wasiir Cali Jangeli (Dhaawac fudud -jug)