Muqdisho-(Berberanews)-Madaxweynaha Wadanka Emirate-ka Carabta, ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay weerarkii qorsheysnaa ee shalay lagu qaaday mid ka mid ah hoteelada ku yaala Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho.
Sheikh Khalifa bin Zayed Al Nahyan, ayaa si xoogan u cambaareeyay weerarka bahalnimada ah, isagoona ku tilmaamay fal argagaxiso oo lagu waxyeeleeyay dad aan waxba galabsan.
Madaxweynaha, ayaa amar deg deg ah ku bixiyay in Magaalada Muqdisho laga soo daad gureeyo dadkii ku waxyeeloobay weerarka, si adeeg caafimaadeed oo horumarsan loogu fidiyo.
Wakaaladda Wararka ee Emirates News Agency (ENA), ayaa waxay baahisay hadalka ka soo yeedhay Hogaamiyaha Emirate-ka Carabta.
Wakaaladda ENA, ayaa tallaabadaan ku macneysay sida Emirate-ku uu kaga go’an yahay taageerada uu u fidinaayo Dowladda iyo shacbiga Somaliyeedba.
Weerarka ka dhacay Central Hotel waxaa loo adeegsaday laba qarax, oo ay ku dhinteen in 24 qof, iyadoo 40 kalana ay dhaawacyo kala duwan ka soo gaareen. Dadka qaarkood xaalad adag ayay ku sugan yihiin.