Guddoomiyaha UCID oo Sheegay in Turkigu Afduub ku Haysto Wadahadalka Somaliland iyo Soomaaliya

Hargeysa-(Berberanews)- Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ee UCID Eng. Faysal Cali-waraabe, ayaa sheegay in dalalka caalamka ee daneeyaha arrimaha Soomaalida la yaabban yihiin sida Turkigu u wado hawlaha dhexdhexaadinta wadahadallada Somaliland iyo Soomaaliya u dhexeeya.

Eng. Faysal Cali-waraabe oo hadal u jeediyey taageerasha xisbiga UCID ee dalka Jarmalka uu safar ku joogo shalay, waxa uu saluug xooggan ka muujiyey qaabka loo wado wadahadalka Somaliland iyo Soomaaliya, isagoo xusay in Turkigu afduubtay wadahadalkaas.

 “Waxa taagan wadahadallada Somaliland iyo Soomaaliya saddex sannadood iyo badh ayey socdeen, markii horena si fiican ayaannu u bilawnay, waxana lagu heshiiyey in loo wadahadlo innaga oo kala ah sidii 60-kii (1960) laba qaran, laba dawladood oo ka tashanaya xidhiidhka u dhexayn doona. Sidii wadahadalladu u socdeen oo aannu ku heshiinnay inay  arrintaas lix waddan dhexdhexaadiyaan ayuun baa mar dhexe Turkigu dhexda kala booday, cid kalena uma oggola, waxaannu Muqdisho la fadhiyaa kuwii uu ina dhexdhexaadinayey (Soomaaliya), meel uu wadahadalkaas u wadaana ma jirto, duniduna way yaabsan tahay, annaguna waannu yaabsanahay, markaasaaba ka darane kuweenna (Somaliland) ayaa ka horreynaya marka uu u yeedho, dhawr jeerna dhexda ayey ka soo noqdeen intay kuwa kale [Soomaaliya] u jareen bal maxay ku ordayaan?”faysal

Guddoomiyaha UCID waxa intaa sii daba dhigay, “Dadka waxaynnu moodaynaa inaynnu ka ilbaxsanahay ee innaga ayaa u badawsan. Xafiisyada garan maynno, sida dawladuhu u shaqeeyaan garan maynno, xidhiidh lama lihin Afrikaanka iyo Soomaalida, innaga dhexdeenana ma lihin oo qabiilooyin ayeynnu u kala fadhinaa, ictiraafkana hees laguma helo ee tacab ayaa lagu helaa. 

Socdaalkii aan u  bixiyey ‘Socdaalka Midaynta’ markii aan Somaliland ka immi waxaan kaga tagey niyad-xumo, waxaanan isku hayey ma ku noqotaa iyo ma isaga tagtaa, waayo markaaad aragto ummad dhan oo aan wax dan guud ka hadlayaa jirin, markaad aragto ummad dhan oo mikirifoon sidata oo is wada caayeysa, markaad aragto maalin kasta suldaan dhalanaya, meesha uu suldaan dhashaana waa meel aan dawlad jirin. marka dawladdu adkaato suldaanku wuu diciifayaa, waana laga tagayaa, magtuna way yaraanaysaa, caddaalad ayaa imanaysa, hay’ado cusub ayaa samaysmaya, innagana hay’adaheennii way daciifeen,” ayuu yidhi Eng. Faysal.

Waxa kaloo uu dhalliil u jeediyey xukuumadda madaxweyne Siilaanyo iyo Golaha Wakiillada oo uu ku eedeeyey inay iska kaashadeen sidii dib loogu dhigi lahaa doorashooyinka, waxaannu yidhi; “Haddii aannu nahay asxaabta waxaannu soo saaraynaa  Baarlamaan (Gole Wakiillo), markaa waxa Golaha Wakiillada looga baahan yahay  inay dawladda ilaaliyaan, laakiin marka ay dawladdii iyo baarlamaanku is-raacaan, kuna  heshiiyaan inay sharciga jabiyaan, mudanaha wakiilka ah ee la soo doortay ee ay ahayd inuu shan sanno fadhiyo uu doonayo inuu ka badan fadhiyo, sharci kastoo dawladdu keentana u saxeexo, markaa cidna wakiil kama aha oo dawladda ayuu wakiil u yahay, taasina waa waxyaabaha dalkeenna ka taagan maanta.

Baarlamaanka shan sanno ayaa la doortay, in ka badanna way fadhiyaan, mana jirto wax ay u qabteen dadka soo doortay, kumana shaqeeyaan barnaamijka xisbiyadii ay ka soo baxeen, waay u qabteena ma jirto. Dawladda iyo baarlamaankii (Wakiillada) waxay ku heshiiyeen dhabarka ii xoq aan dhabarka kuu xoqee, ii kordhi aan kuu kordhiyee, maantana waa taas la arkayo in doorashadii dib u dhacayso, laakiin waxaan leeyahay wallee muddo-kordhin hadiyad la idiin siin maayo, waxana muhiim ah in baarlamaanku (Golaha Wakiillada) tago (la kala diro), dawlad loo dhan yahayna la dhiso, mana jiro nin baarlamaanka ku jira oo haddii uu degaankiisii tago dib loo soo dooranayo.”

Sidoo kale, waxa uu sheegay in aanay muuqan saansaan muujinaya in doorashooyinku ku qabsoomayaan xilliga loogu talogalay ee 26-ka June 2015, “Doorashada waxa loo adeegsaday khiddad oo ilaa hadda lama keenin qalabkii lagu samayn lahaa doorashooyinka, ilaa saddex biloodna way qaadanaysaa. Marka ay yimaaddaan ee la bilaabo diwaangelinta codbixiyeyaasha waxay soconaysaa afar bilood, sharciguna wuxuu qorayaa doorashadu ha dhacdo lix bilood kadib markay dhammaato diiwaangelintu. Qaar ayaa lahaa dawladdu waa inay ku dedaasho in doorashadu waqtigeeda dhacdo. Ma carruur ayey u sheekaynayaan? Waxaannu arkaynaa in aanay doorashadu waqtigeedii dhacayn, waana arrin taagan,” ayuu yidhi Faysal Cali-waraabe oo muddooyinkii u dambeeyey safar ku maray qaar ka mid ah dalalka Yurub, haddana ku sugan waddanka Jarmalka.

 Xigasho Jamhuuriya