Muqdisho (Berberanews)- Hanjabaad cusub oo ka yeedhay dagaalyahannada Al-shabaab ee ka dagaallama waddanka Soomaaliya, ayaa cabsi xooggan ku beertay qaar ka mid ah suuqyada waaweyn ee dalalka Maraykanka, Ingiriiska iyo Canada, kuwaasoo galay heegan dhinaca ammaanka ah.
Al-shabaab, ayaa muuqaal ay soo saareen Sabtidii shalay, laguna baahiyey wakaaladaha wararka caalamka, waxay ku sheegeen inay si gaar ah weerarro ugu qaadi doonaan suuqa weyn ee la yidhaa The Mall of America oo ku yaal magaalada Bloomington, Gobolka Minnesota ee dalka Maraykanka, suuqa kale ee la yidhaa West Edmonton Mall oo ku yaal degaanka Alberta ee Canada iyo suuqa weyn ee Oxford Street ee magaalada London.
Muuqaalka Al-shabaab, ayaa lagu sheegay in ujeeddooyinka weerarrada ku jihaysan suuqyada waaweyn ee dalalka Ingiriiska iyo woqooyiga Ameerika uu la xidhiidho sidii khasaare weyn loo gaadhsiin lahaa dhaqaalaha reer galbeedka, laakiin si rasmi ah uma shaacin waqtiga ay weerarrada qaadayaan iyo cidda fulin doonta toona.
Xoghayaha Ammaanka Gudaha ee Maraykanka Mr. Jeh Johnson, ayaa sheegay in digniinta Al-shabaab tahay mid ay si dhab ah u qaadanayaan, lana adkayn doono mmaanka goobaha ganacsiga iyo xarumaha dhaqaalaha ee muhiimka ah.
Waxa kaloo hay’adaha ammaanka Maraykanku sheegeen in ilaalo dheeraad ah loo samayn doono suuqa weyn ee bartilaameedka u ah weerarrada Al-shabaab, halka sidoo kalena dadka meheradaha ganacsi leh lagu wargeliyey inay muujiyaan feejignaan dheeraad ah, si dhawna ula socdaan xaaladaha amniga.
Qoraal ka soo baxay suuqa la yidhaa The Mall of America oo ah suuqa ugu weyn ee dalka Maraykanka, ayaa lagu iftiimiyey inay heegan buuxa galeen, digniinta Al-shabaab-na cabsi badan abuurtay, sidaa awgeed loo baahan yahay in si guud looga wada shaqeeyo hubinta in aan wax khatar ah gaadhin suuqaas.
Canjallada muuqaalka ee Al-shabaab ku baahiyeen digniintooda waxa ka dhex muuqda sawirro laga qaaday suuqyada ay sheegeen in weerarradoodu ku jihaysan yihiin iyo weliba muuqaal laga duubay weerarkii lagu qaaday suuqa weyn ee ku yaal magaalada Nairobi sannadkii 2013, halkaasoo lagu dilay in ka badan 67 qof, khasaare xooggan oo dhinaca dhaqaalaha ahna ka dhashay.
Ciidanka booliska magaalooyinka waaweyn ee Maraykanka, gaar ahaan Chicago iyo New York, ayaa lagu wargeliyey inay heegan buuxa galaan, lana socdaan natiijada ka dhalan karta hanjabaadda Al-shabaab.
Dhinaca kale, laamaha ammaanka ee dalalka Ingiriiska iyo Canada, ayaa sheegay inay darsayaan xaqiiqda hanjabaadda Al-shabaab, isla markaana la soconayaan dhaqdhaqaaq kastoo loo arko inuu halis ku yahay amniga suuqyadooda ganacsiga ee aadka looga dukaansado.