Muqdisho-(Berberanews)-Qarax miino, ayaa waxa uu casir liqii maanta uu ka dhacay duleedka Degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha Hoose, xilli ay shaah ka cabayeen Ciidamada Dowladda.
Qaraxa oo u muuqday mid horey loogu sii diyaariyay ilinka hore ee maqaaxida, ayaa la qarxiyay, mar ay fadhiyeen askarta Dowladda Somaliya.
Hooyo iyo gabadh ay dhashay, ayaa waxaa la xaqiijiyay in hooyadii ay qaraxaasi ku dhimatay, halka ay ku dhaawacantay gabadhii yareyd ay dhashay. Sidoo kale askarta Dowladda waxaa la tilmaamay in waxyeelo ka soo gaadhay qaraxaasi.
Gudoomiyaha Maamulka Gobolka Shabeellaha Hoose C/qaadir Maxamed Nuur (Siidii), ayaa sheegay in laba askari oo ka tirsan Ciidamada Guutada 5-aad ee Xooga Dalka, ay ku dhaawacmayn qaraxaasi.
Gudoomiyaha oo la hadlay TV-ga Universal, ayaa Ururka Al Shabaab ku eedeeyay inay iyagu uun geystaan weerarada loo adeegsado qaraxyada.