Wuxuu Darawalkii ku amray inuu socodka gaadhiga joojiyo. Shukaan hayihiina haye buu yidhi oo degdeg buu u joojiyay. Halhaleel buu uga degay. Wuxuu toos u abaaray bartay taagnaayeen ashkhaastii dhawaaqooda dartood uu u hakiyay socodka gaadhigii uu saaraa. Waxay ka mid ahaayeen dad badan oo jidka hareerihiisa tubnaa.
May ahayn dad la soo abaabulay oo u soo baxay soo dhawayntiisa. Laftiisuna ma ahayn nin buun buuninta jecel. Keliya waxa isku beegmay dadkii jidka dhinacyadiisa marayay ama meheradaha fadhiyay iyo isagoo meesha soo maray.
Markay ku war heleen in madaxweynihii meesha marayo, dadku waxay is wada taageen jidka dhinacyadiisa. Dabcan, kuwii fadhiyayna way is taageen, kuwii socdayna way hakiyeen talaabaddii, isla markaana waxay daymadooda siiyeen madaxweynaha iyo gaadiidkii gelbinayay.
Gacantuu taagayay, dadkuna in gacanta u taagtay, in sacabisay, in hadalo taageero ah ku dhawaaqday, in eegmada uun ku koobnayd iyo qaar erayo dhaliil ah oo dhan ka ah maamulkiisa ku dhawaaqayba way lahaayeen.
Markii hore waxay ahaayeen dhawr nin. Waxay ku dhawaaqayeen oo ay ku celcelinayeen, “Julias Nereri ha dhaco, Julias Nereri ha dhaco…”. Laba, sadex jeer markay ku dhawaaqeen ayaa madaxweynuhu jaleecay. May joojin ee way sii wadeen, tiradoodiina way korodhay. jiibiyayaal badan ayaa xoojiyay oo ku biireen.
Madaxweynihii intuu is hor taagay nimankii eraygaa ku dhawaaqayay ayuu ku yidhi; “Walaalayaal, waa mahadsan tihiin, waxaan u qaadanayaa in aan wax khalday, aragtidiinana waan u baahnahay ee halkaa iigu soo gudbiya”. Intaa markuu yidhi ayaa sacabku is qabsaday. Mid ka mid ahaa kooxdii ha dhaco, ee uu aawadood isu taagay ayaa isagoo faraxsan ku tiraabay, “Madaxweyne waad ku mahadsan tahay, inaad na fahamtay ”.
Julias Nereri wuxuu ahaa hogaamiyihii Tanzania dhidibka u taagay, isla markaana waxa lagu tilmaamaa inuu ahaa hogaamiye khalad iyo saxba taariikhda dalkiisa iyo ta gobolkaba meel sare kaga jira. Taasi waxay ahayd dhacdo taariikhda u gashay sanadkii 1966. Waa tusaale fiican oo astaan ku dayasho u ah hogaamiyaha iyo macaamilka umaddiisa.
Da, ahaan waa laba cimri oo kala durugsan, waqti ahaana waa laba cadceeddood oo kala war la, maalintaa Nereri iyo maanta. Laakiin waa laba ficil oo is shabahaya .
Waxay ahayd barqadii shalay. Waxa madaxtooyadda ka soo baxay Madaxweyne Axmed Siilaanyo iyo kolonyo baabuur ah oo u gelbinaysay madaarka Hargeysa, halkaas oo uu ka raacayay diyaarad oo geysay Garoonka Berbera oo uu furayay guri loo dhisay dhoofayaasha iyo soo degayaasha.
Dhawaaq dhiila sid leh oo had iyo goor dadka lagu ogaysiiyo cidda meesha maraysa, ayaa sida caaddada noqotay dhegaha dadka ka dhawaa nawaaxigaa wada gaadhayay. Dadkuna jidka hareerihiisa in soo baxday iyo in sii joogtayba way lahaayeen. Hotel Empirial ayaa badi dadkii ka qaxwaynayay dibadda u soo baxeen, si ay u eegaan waxa dhacay.
Wax kale ma jirin ee madaxweynaha ayaa meesha marayay. Madaxweynaha iyo Marwaddiisu waxay fadhiyeen kursiga dambe, ka horena waxa fadhiyay wasiirka Madaxtooyadda iyo darawalka gaadhiga waday. Muraayadaha qaar way degsanaayeen, qaarna way xidhnaayeen markii hore.
Gaadhiga madaxweynaha siday markuu la sinaa wajahada huteelka ayaa qaar ka mid ahaa dad gudaha hudheelka ka soo baxay, oo hortiisa taagnaa ay kor ugu dhawaaqeen; “Siilaanyo ha dhaco, Siilaanyo ha dhaco”.
Dhawaaqaasi waxa la dareemayay inuu gaadhay halkay la rabeen. Ilbidhiqsiyo hakad la mood ah oo muraayad dalacashada lagu mashquulay mooyee, laysma sii eegin, gacmihii ay bariidada kor ugu lulayeen ayay dhaqso ula laabteen. kedis iyo wax aanay filayna way u ekayd. Sidaa darteed hore u mood mooyee si kale may yeelin.
Hase-yeeshee, dhawaaqaa oo ay horseed ka ahaayeen laba nin oo taariikh ahaan ka soo jeeda SNM, isla markaana caan ahi, wuxuu ahaa naxdin aanay iyo filanwaa. Markii dambena waxa hadal ka keenay, dar ag taagnaa oo laftoodu ka xumaaday, in lagu ag arko intii badheedhahaa lahayd. Sidaa aawadeed, waxoogaa buuq ah ayaa ka sii jiray halkaa. “Waad na gubteen, may ahayn inaad sidaa tidhaahdaan, in aanu idinla qabno ayaa la moodayaa”. Weedhahaa iyo qaar la mid ah ayaa mid ka mid ahaa raggaa agtaagnaa markay nimankaasi dhawaaqayeen ka soo yeedhay markii dambe.
Xigasho Wargeyska Madaxa-bannaan ee Ogaal.