Berbera (Jam)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo safar muddo laba maalmood ah qaatay ku tagay magaalada Berbera ee xarunta Gobolka Saaxil, ayaa kormeeray goobo ay ka socdaan mashaariic lagu horumarinayo adeegyada bulshada ee magaaladaas shalay.
Maayirka Berbera Md. Cabdishakuur Maxamed Xasan (Ciddin) oo hadal kooban ka jeediyey xaflad madaxweynuhu xadhigga kaga jaray dhismaha waddo laami 8km ah oo dawladda hoose hirgelisay, ayaa sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay in Madaxweyne Siilaanyo kala qaybgalo furitaanka waddo uu bil ka hor dhagax-dhigay.
“Madaxweyne, waddadan cusub waa meeshii aad 24 maalmood ka hor dhagax-dhigtay, annagoo xilligaas madaxweyne kuu sheegnay in aad Berbera ku soo noqon doonto iyadoo la dhammaystiray. Maadaama oo lagu jiray bilowgii sannadka cusub ee 2015, waxa dawladda hoose ee Berbera u qabsoomay waddadan 8km ah oo bilicda magaalada hordhaceedii noqonaysa, mashaariicda la sameeyey oo dhanna waxa fulisay dawladda hoose, waxa hay’adaha naga soo galaana aad ayey u yar yihiin oo waxba kama aha mashaariicdaas aannu samaynay,” ayuu yidhi Maayar Ciddin.
Sidoo kale, Maayarka ayaa ka codsaday Madaxweynaha Somaliland in wax lagaga qabto dedaalka ay ugu jiraan horumarinta Berbera, waxaannu yidhi;“Mudane Madaxweyne, dawladda hoose ee Berbera waxa ay ku nabadgashay oo Ilaahay (SWT) adiga sabab kaaga dhigay in aanay jirin cid farogelin ku samaysa dhaqaalaha degmada oo dawladda dhexe kaga timaad ma jirto, markaa waxaannu jecelnahay in aan laba qodob kaa codsanno; qodobka ugu horreeyaa waxa weeye, dadka iyo dalka aad madaxda u tahay waxa ay ku tartamaan horumarka, markaa waxaan codsanayaa in aanay madaxweyne sinnaan cidda kor u qaadday horumarka aad dalka ku hoggaamiso iyo cid aan waxba qaban, waxaanan kaa codsanayaa inaad kala saarto cidda wax qabanaysa iyo cid aan waxba qaban.
Qodobka labaad ee aannu kaa codsanaynaa waxa weeye, magaalada Berbera waannu ka shaqaynnay oo dab-damiska annagaa samaynnay; inta ay dawladda hoose dhistay ayey qalabkiina u iibisay, tababarkii iyo aqoontiinna u qabatay, degmada Berbera-na waxa ay maanta ku badbaadaa oo laysku halleeyaa dab-damiskaas. Sannad walba waxa golaha degaanka Berbera qabtaan waxqabad mug leh oo weliba waqtigiisa hore dhammaada, markaa waxaannu sugaynaa waxa ay dawladda dhexe ku darayso waxqabadka ay nagu aragto wax noogu darto.
Wax kastoo aannu qabanno iyo waxaannu qurxinno waxa halis ku haya dooxa dhinaca bari ka mara shammiitada [Wershadda Sibidhka], kaasoo maalin kasta khatar geliya bulshada reer Berbera. Intii dawladda hoose awooddeedu ahayd way xidhay dooxaas, laakiin arrintaasi way naga fac weyn tahay, nagana baaxad weyn tahay, waxaanan madaxweyne rajaynaynaa in aad dooxaas ka badbaadiso magaalada insha Allaah, iyadoo aad abaalgud nooga dhigayso waxqabadka aannu samaynay.”
Haseyeeshee, Badhasaabka Gobolka Saaxil Md. Fahmi Cabdi Bidaar oo halkaas ka hadlay, ayaa jawaab degdeg ah ka bixiyey codsiyada Maayirka Berbera u jeediyey madaxweynaha, isagoo tilmaamay inay dooxaas hore wax uga qabteen maamulka gobolkiisu.
“Madaxweyne, horta taas maayirku kaa codsaday waxay ahayd mid aannu gobol ahaan ku dhammaynay oo aannu ku dhignay ciidda, horena warbixinteeda oo qoraal ah iyo iyadoo af ahba waannu kuu soo gaadhsiinnay, waanad noo ballanqaaday xaqiiqdii, insha Allaahna waannu sugaynaa in aad dhammaysto inta hadhsan,” ayuu yidhi Badhasaabka Saaxil.
Waxa kaloo uu xusay in ilaa lix killo mitir la dhammaystiray waddada 8km ah ee Madaxweynuhu xadhigga ka jaray shalay, waxaannu sheegay inta hadhayna in si degdeg ah loo dhammaystiri doono.
“Madaxweyne, sida maayirku sheegay wixii waxqabad iyo horumar ah ee aad nagu aragtaan idinkuna wax noogu qabta oo qaybtiinna ka qaata,” ayuu yidhi Guddoomiye Bidaar.
Wasiirka Arrimaha Gudaha Md. Cali Maxamed Warancadde, ayaa isaguna qiray in horumar ballaadhan laga sameeyey magaalada Berbera labadii sannadood ee u dambeeyey.
“Madaxweyne, horumar ballaadhan ayaa ka muuqda magaalada Berbera oo waddooyinkeedu waxay la mid yihiin jidadka caalamka, kursiga lagu fadhiyana kursi aan wax qaban karin ma jiro, laakiin kursi kasta qofka ku fadhiya ayaa waxqabanaya oo kuraasta dadka ku fadhiya ayey ku kala duwan yihiin dhinaca waxqabadka. Markaa kusriga ay ku fadhiyaan maayirka Berbera iyo maamulkoodu waa kursi shaqaynaya, waxana shaqaynaya ragga ku fadhiya, waana dawladda hoose ee u horraysay oo waddo 8km ah oo nooca asalka ah (asfalka) dhigtay, kuna wareejisay magaalada,” ayuu yidhi Md. Warancadde.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo hadal kooban ka jeediyey munaasibaddaas, ayaa ballanqaaday inay xukuumad ahaan gacan ka geysan doonaan horumarinta adeegyada bulshada ee magaalo-xeebeedda Berbera.
“Farxad weyn ayey ii tahay in aan waddadan furo, aad iyo aad ayeyna waddadani muhiim ugu tahay Gobolka Saaxil, dalka iyo dadkaba, waanan ku dhiirrigelinayaa, kuna bogaadinayaa dawladda hoose iyo intii ka hawlgashaba. Tallaabooyinkaas horumarka iyo waxqabadka ah ee ka muuqda degmada iyo gobolku waa mid aad inoo wada dhiirrigelisay, wixii dhinacayada la nooga baahdana ee waajib nagu ah xilkayaga waannu ka soo bixi doonnaa insha Allaah,” ayuu yidhi Madaxweyne Siilaanyo.
Waxa kaloo Madaxweynuhu kormeeray isla shalay Dekedda Berbera oo laga wado hawlo lagu ballaadhinayo, korna loogu qaadayo bilicda iyo horumarkeeda, isagoo Maareeya Cali Cumar Maxamed (Xoor-xoor) warbixin ka siiyey madaxweynaha mashaariicda kala duwan ee ay doonayaan kor loogu qaado adeegyada kala duwan ee marsada.
Madaxweynaha, ayaa sidoo kale dhagax-dhigay dhismaha xarun cusub Wasaaradda Degaanku ku yeelan doonto Gobolka Saaxil.