Warar kala duwan ayaa sheegaya in la aqoonsaday Ninkii wejiga daboolnaa ee lagu arki jiray muuqaallada ay soo diraan Ururka Daacish, waxaana ninkan Wejiga daboolani caan ku ahaa inuu soo muuqdo xilliyada goorta laga goynayo la haystayaasha gacanta ugu jira ururka Daacish. Ninkaas oo Madax-jare dadka qaar ula baxeen.
Ninkaasi oo loogu magac-daray Jihadi John, ayaa warar laga soo xigtay Saaxiidbadiis maanta oo Khamiis ahi sheegayaan in magaciisa rasmiga ahi yahay Mohamed Emwas. Ninkaasoo la tibaaxayo in la xag-jireeyey dhawr sano ka hor.
Weriyaha VOA ee Rome, ayaa sheegay in Sirdoonka Yurub ay diiden in ay xaqiijiyaan in Emwazi uu yahay Jihadi John, isla markaana ay sheegeen in sheekadu ay intaasi ka sii durugsan tahay. Saraakiisha Amniga ee dawladda Mareykanka, ayaan weli ka faalloon wararka ku saabsan ninkaasi xidhan dharka madow ee Wejigu u daboolan yahay.
Emwazi ayaa la sheegay in uu yahay Nin reer London ah ama degganaa magaalada London ee waddanka Ingiriiska, kana mid ahaa dadka dabaqadda dhexe nolol ahaan oo u dhashay dalka Kuweit, isla markaana Wadaad ama Sheekh ah. Ninkan, ayaa la sheegay inay hore u daneeynayeen Saraakiisha Amniga ee dawladda Britain, inkastoo aaney weli xaqiijin.
Saaxiibbadii iyo dad yaqaanna Ninkan, ayaa sheegay in ay rumeeysan yihiin in Emawazi xag-jir laga dhigay sannaddadii la soo dhaafay, ka dib markii uu u Safray dalal ka tirsan Afrika iyo Bariga dhexe. Waxaana Ninkan Muuqaalladiisa la arkaa isagoo Mindi ama Soodh cad dul-haya hadba Maxbuuska ay Daacish Madaxa ka jarayso ee ay Muuqaalladiisa soo bandhigaan.
Xigasho VOASomali.com